Khasaaraha Dagaal Culus oo Duleedka Laascaanood Ku Dhex-maray Ciidanka Qaranka iyo Maleeshiyaadka Huwanta

Laascaanood (SLpost)- Dagaal sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, ayaa gelinkii hore iyo gelinkii dambe ee maanta duleedka Laascaanood ku dhexmaray Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaadka Huwanta ah ee is-urursaday.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka maanta oo bilaabmay kaddib markii fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee duleedka Laascaanood ay soo weerareen Ciidamada maamul-goboleedka Puntland oo kaashanaya maleeshiyaadka deegaanka iyo kuwo xidhiidh la leh kooxaha argagixisada ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland, ayaa lagu sheegay in Ciidanka Qaranku khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira gaadhsiiyeen kooxaha huwanta ah isla markaana ka gubeen gaadiid dagaal oo tira-badan.

“Ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo garab ka helaya kooxaha huwanta iyo argagixisada ayaa saaka weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo mar kasta diyaar u ah difaac iyo ilaalinta Qarannimada ayaa ku dhuftay cadawga soo wareeray dhirbaaxo aanay mahadin, waxaa ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaliya iyo kooxaha argagixisada ah laga gubay baabuur badan oo tikniko ah, guud ahaana waa la jebiyey.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka oo intaas ku daray, “Mar kasta ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland cidna duulaan kuma aha, balse ciddii soo weerarta waxa ay ka qaadaan tallaabo adag oo lama ilaawaan ah.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.