Kenya Oo Sheegtay Inay Adkaynayso Ammaanka Xadka Ay La Wadaagto Somalia

Nairobi  (SL.Post) Dawlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay qaadayso tillaabooyin lagu adkaynayo xadka Kenya iyo Soomaaliya ay wadaagaan gaar ahaan dhinaca gobolka Waqooyi-bari.

2016102763613139199299824220161027636131307526165326intere

Dawlada Kenya ayaa go’aansatay arinkaa kadib weerar labo cisho ka hor ka dhacay magaalada xadka ku taala ee Mandheera. Weerarkaa ayaa waxa soo qaaday dablay loo maleeyay Al-Shabaab, waxaana lagu dilay ugu yaraan 12 qof.

Sidoo kale ayaa horraantii bishaan waxa isla magaaladaa lagu dilay 6 qof.

Wakiirka Kenya u qaabilsan arimaha gudaha Joseph Nkaissery ayaa Arbacadii todobaadkan sheegay in KDF iyadoo la adeegsanayo la dhisi doono cutub u xilsaaran xaqiijinta ammaanka xadka si Al-Shabaab aanay  inta xadka ka soo tillaabto weeraro uga geysan guddaha Kenya.

“Waxaanu ka shaqeyneynaa saacad kasta inaan qaadno tillaabooyin muhiim ah oo lagu xaqiijinaayo in muwaadiniinta qeyb kasta oo dalka ah ay ammaan iyo badbaado helaan.” Wasiir Nkaissery ayaa sidaa yidhi.

Mr. Nkaissery ayaa intaa ku daray in haatan askar badan oo Boolis ah la hawl galiyay si ay u ugaadhsadaan dadkii fuliyay weerarkii habeenkii Salaasada ee aanu soo dhaafnay.

Dhawaan ayaa madaxa ciidamada difaaca ee Kenya Samson Mwathethe uu sheegay in ciidamo Militari ah oo dheeraad ah la geeyay xadka Kenya iyo Soomaaliya dhammaantii, waa min Mandera ilaa Lamu.

 

Somalilandpost.net