Kenya oo Qunsuliyad ka furanaysa Somaliland iyo Bilowga duulimaadyada Kenya Airways ee Hargeysa

 

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Kenya ayaa horaanta sannadka soo socda qunsuliyad ka furanaysa magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, halka sidoo kale kor loo qaadi doono meeqaamka xafiiska dibloomasiyadeed ee Somaliland ku leedahay Nairobi.

War-murtiyeed ay si wada-jir ah u soo saareen madaxweynayaasha Somaliland iyo Kenya oo shalay ku kulmay magaalada Nairobi, waxa ay kala saxeexdeen heshiisyo laba geesood ah oo lagu xoojinayo xidhiidhada dhinacyada ganacsiga, siyaasadda, horumarka iyo iskaashiga adeegyada wax-qabad iyo isdhex-galka shacabka labada waddan.

Dowladda Kenya waxa ay dhammaadka bisha March ee sannadka dambe qunsuliyad ka furanaysaa magaalada Hargeysa, iyadoo isla wakhtigaas kor loo qaadi doono meeqaamka xafiiska dibloomaasiyadeed ee Somaliland ku leedahay Nairobi.

Marka laga yimaaddo xoojinta xidhiidhka dhinaca dibloomaasiyadda labada waddan, shirkadaha diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha diyaaradaha ee dalka Kenya, ayaa isla wakhtigaas bilaabi doono duulimaadyo ay isaga gooshayaan magaalooyinka Hargeysa iyo Nairobi, sida ku xusan war-murtiyeed laga soo saaray heshiis dhexmaray labada madaxweyne.

Sidoo kale, dalalka Kenya iyo Somaliland ayaa iska kaashan doona arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin horumarinta Beeraha, Kalluumaysiga iyo ammaanka mandaqadda Geeska Afrika. Waxa kale oo heshiiska ku xusan sidii ay isu kaashan lahaayeen, wada-shaqaynna u wada-yeelan lahaayeen Dekedaha Mombasa iyo Berbera oo labadooduba halbowle u ah marinnada ganacsi ee dalalka Bariga Afrika.

Heshiiskan ayaa noqonaya kii ugu ballaadhnaa ee dhexmara Somaliland iyo waddamada qaaradda Afrika, gaar ahaan Bariga Afrika. Kenya ayaa ah waddanka ugu Dhaqaalaha badan Bariga iyo Badhtamaha qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa Axaddii Toddobaadkan safar muddo saddex cisho ah qaatay ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha dalkaas Uhurru Kenyatta oo marti-qaad rasmi ah u soo diray, waxaanay labada dowladood halkaas ku kala saxeexdeen heshiis labada geesood ah oo lagu xoojinayo xidhiidhka labada waddan.

Madaxweyne Biixi iyo weftigiisa, ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana weftiga madaxweyaha si ballaadhan u soo dhaweeyey shacabka Caasimadda Hargeysa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net