Kal-fadhiga 49aad ee Golaha Guurtida oo Furmay iyo Nuxurka Qodobbada Ajandaha ku Jira

golaha guurtida

Hargeysa (SLpost)- Xildhibanaadda Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta guddo-galay kafadhiga 49-aad ee Golahaasi, ka dib markii ay in Mudo ah ku maqnaayeen Fasixii Caadiga ahaa.

Kulanka maanta oo ka qabsoomay Aqalka Golaha Guurtida Somaliland oo ka qabsoomay Xarunta Guud ee Golahaasi ayaa waxa shir Gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka 3-aad Mudane Saciid Jaamac Cali, waxana Mudanayaasha looq aybiyey Ajandaha kal fadhiga 49-aad ee Golahaasi.

Qodobada uu ka kooban yahay Ajandaha Golaha Guurtida ayaa waxay ka mid ah:

1. War-bixinta shir-gudoonka.

2. War-bixinta Gudida joogtada ah.

3. Siyaasadda:-

  • Gudaha
  • Dibada

4.Nabad-galyada iyo Horumarinta

1. Qiimaynta Doorashadii golayaasha Deegaanka

5. Arimaha Bulshada

1. Arimaha Garsoorka

6. Xog-waraysi lala yeesho Masuuliyiintani:-

1. Wasiirka Arimaha Gudaha

2. Wasiirka Cadaalada

3. Wasiirka Gaashaan-dhiga

4. Wasiirka War-faafinta.

7. Wax-yaabo kale (Any other Business).

Dhinaca kale Xildhibaan Ibraahim Aw-nuur Jiciir oo ka mida Mudanayaasha Golaha Guurtida ayaa maanta Shir Gudoonka Golahaasi u dhiibay Istiqaalada Xubinimada Golaha. waxa uu sheegay in xaalad caafimaad darteed aanu Gudan karin shaqada golaha, islamarkaana uu u baahan yahay in laga Aqbalo Istaqaalada.

Mudanayaasha Golaha ayaa Cod u qaaday Aqbalida Istaqaalada Xildhibaanku soo gudbiyay waxaana Ogolaaday 49 Mudane oo ka mida 50 Mudane oo fadhiga golaha ka soo xaadiray, waxaa ka Aamusay hal mudane cid diiayna ma jirin sidaas ayayna ku Ansaxday in uu jagadaasi ka tago Xildhibaan Ibraahim Aw-nuur Jiciir.

SOMALILANDPOST.NET