Kacdoonno Hor Leh oo Ilhan Cumar Kaga Furmay Gudaha Maraykanka

Washington (SLpost)- Gudaha Dalka Maraykanka waxa sii xoogeynaya baaqyada shacabka iyo siyaasiyiinta dalkaasi ku dalbanayaan in xilka lagaa xayuubiyo Elhan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka.

Ilhan Cumar oo Xisbiga Dimuqraadiga ugu jirta Congress-ka, ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku taageertay go’aanka uu ka soo horjeestay Heshiiska is-garad ee dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia.

Hadalka ka soo yeedhay ilhan Cumar ayaa sababay inay gudaha Maraykanka iyo xisbiga Dimuqraadigaba kala kulanto mucaaradad lagu diiddan yahay hadalka ay ku taageertay Soomaaliya.

Shaqsiyaadka sida looga yaqaanno gudaha Maraykanka ee dalbaday xil-ka-xayuubinta Ilhan Cumar waxa ka mid ah Badhasaabka Gobolka Florida, Ron DeSantis iyo Donald Trump Jr. oo uu dhalay madaxweynihii hore ee dalkaas

Tom Emmer oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, ayaa hadalkeeda ku tilmaamay xad-gudub ka dhana Xilka ay u dhaaratay. Siyaasiyiin kale oo hadalkeeda dhaliilay, ayaa su’aal geliyey kalsoonideeda qaranka

Siyaasiyiin kale oo Xisbiga Jamhuuriga ka tirsan ayaa ku eedeeyey inay dayacday danaha dalka Maraykanka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net