Jewigii Furitaanka Shirweynaha Tolwanaaje iyo Dareenka Wejiyada Siyaasiiyiinta ka Qayb-galay (SAWIRRO)

Gacan-libaax (SLpost) Shirweyne loogu wan-qalay Tolwanaaje oo ay Aayahooda kaga tashanayaan Beelaha Garxajis, ayaa si rasmi ah shalay galab uga furmay Buurta Gacanlibaax oo ka tirsan degmada Go’da weyn ee gobolka Saaxil, waxaana ka qayb-galay ergooyin ka kala socda dhammaan-ba Ardaayada Beesha, isagoo subaxan saaka ahna si habsami ah u socda.

TOLWANAAJE2 (4)Shirkan oo noqonaya kii labaad ee ay beeshu Isugu timaaddo dhowrkii sanno ee u dambeeyey,ayaa waxa  si rasmi ah u furey furiteenkiisii Suldaanka Guud ee Beesha Garxajis Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, waxaana lagu wadaa in lasoo gunaanado maalinta Khamiista ee foodda inagu soo haysa.

Salaadiinta, Boqorada ugaas-yada Cuqaasha, iyo badi madax-dhaqameedka Beesha Garxajis oo ka kala yimi Gobolada, Sanaag, Tog-dheer, Saaxil, Maroodijeex, Daad-madheedh iyo ergooyin ay soo xuleen ayaa iyana soo buuxiyey madasha shirka .

TOLWANAAJE2 (7)Dhanka kalene waxa furitaankii shir weynaha Beesha Garxajis ka qayb-galay siyaasiyiinta beesha dhammaantood, waxaana kamid ahaa Prof Ismaaciil Buubaa, Siyaasi Axmed Mirre Maxamed, Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, Xildhibaan Dheeg iyo weliba siyaasiyiin kale oo miisaan culus.

Docda Kalene shir weynaha loogu magacaabay Tol-wanaaje Laba ee beel weynta Garxajis, ayaa ilaa hadda  si habsami ah uga socda Buurta Gacanlibaax.

TOLWANAAJE2 (7) TOLWANAAJE2 (6) TOLWANAAJE2 (5) TOLWANAAJE2 (4) TOLWANAAJE2 (3) TOLWANAAJE2 (2) TOLWANAAJE2 (1) TOLWANAAJE (7) TOLWANAAJE (6) TOLWANAAJE (5) TOLWANAAJE (4) TOLWANAAJE (3) TOLWANAAJE (2) TOLWANAAJE (1)