Jarmalka: Siyaasi doonaya in Jarmal lagu hadlo masaajidada

Masuul sare oo ka tirsan siyaasiyiinta Jarmalka ayaa ku baaqay in masaajidada laga isticmaalo luuqada Jarmalka, iyo in la joojiyo lacagta uga imaanaysa Turkiga iyo Sacuudiga.

malka

Xoghayaha guud ee xisbiga CSU, Andreas Scheuer, ayaa sheegay is siyaasada Islaamka ay wax u dhimayso isdhexgalka, Yurubna ay tahay inay isticmaasho Islaamkeeda.

Wuxuu sheegay in Imaamyada lagu tababaro Jarmalka, oo aan dibadda lagu tababarin.

Xisbiga CSU ayaa qayb ka ah xisbiga talada haya ee CDU ee Angela Merkel ay ka tirsan tahay, wuxuuna ku dhaleeceyay sida ay u maaraysay dhibaatada qaxootiga.