Jarmalka iyo Austria oo soo dhaweeyay qaxootiga

150901155031_migrants__budapest_624x351_getty_nocredit 150905090738_migrants_eu_syria_512x288_bbc_nocredit

 

EU((SLpost)-Jarmalka iyo Austria waxa ay qaabileen kumannaan qof oo muhaajiriin ah oo ka tagay dalka Hungary kaddib markii maalmo ay halkaasi ku xayirnaayeen.

Kaddib markii dad iskood isu abaabulay ay xuduudda ku soo dhaweeyeen waxa ay toos u aadeen caasimadda Vienna iyo magaalada Munich ee koofurta Jarmalka.

Jarmalka ayaa si rasmi ah usoo dhaweeyay qaxootiga dalkaasi gaaray, waxaana xalay goob tareennada laga raaco oo ku taalla magaalada Munich soo dhaweyn ballaaran loogu sameeyay qaxooti halkaasi gaaray.

 

Wasiirka arrimaha bulshada ee gobolka Bavaria ee Jarmalka, Emilia Mueller, oo warbaahinta kula hadashay magaalada Munich, ayaa sheegtay in xaaladda ay hadda tahay sidii ay rajeynayeen.

Boqolaal qaaxoti dheeraad ah ayaa maanta la filayaa in ay gaaraan Jarmalka.

Xukuumadda Berlin ayaa sheegtay in dabcinta ay ku sameysay sharciga muhaajiriinta ee u yaalla Midowga Yurub, ay gacan ka geystay ka hortaga xiisad bani’aadannimo oo ka dhacda soohdinta ay wadaagaan dalalka Hungary iyo Austria.

 

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa lagu wadaa in ay maanta kulan la yeelato xisbiyada ay dowlad wadaaga yihiin, si ay uga shiraan qorshaheedda ay uga jawaab celineyso arrinta qaxootiga.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Finland, Juha Sipila, ayaa BBC-da u sheegay in uu go’aansaday in gurigiisa gaarka ah uu kusoo dhaweeyo dad muhaajiriin ah.Waxa uu sheegay inuu rajeynayo in shacabka dalkiisa ay arrintaa kaga dayan doonaan.

Jawaab celinta Yurub ee ku aaddan xiisadda ka dhalatay muhaajiriinta ayaan mideysneyn, walow in ka badan 350,000 oo muhaajiriin ah ay sanadkan oo keliya gaareen gudaha Yurub.