“Jamaal Iyo Faysal, Waxa Aan Farayaa Dardaaran Odaynimo, Talo Guurtinimo Iyo Waano Waayeelnimo” –

Hargeysa (Geeska)-Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ahna oday ruug cadaa nabadeed ah oo ay Somaliland leedahay, ayaa dardaraan iyo talo u soo jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigaas Jamaal Cali Xuseen, oo khilaaf soo kala dhexgalay, warbaahintana dhaliilo isku weydaarsaday, waxaanu u soo jeediyay waano, isaga oo kula taliyey inay heshiiyaan, soona afjaraana khilaafkooda.

Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe) oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in karaamadii Madaxdhaqameedka loo bedelay shaqo, oo waajibkii iyo doorkii ay Sallaadiintu lahaayeen aan sidii la rabay looga soo bixin, waxa kale oo uu ka hadlay Abaarta baahsan ee dalka ka jirta.

Xaajiga oo ugu horayn ka hadlaya qaddiyadda Faysal iyo Jamaal wuxuu yidhi “Buuq iyo isqabsi uma baahnin, Jamaal iyo Faysalna waxa aan farayaa dardaaran odaynimo, talo guurtinimo iyo waano waayeelnimo, waxa aan leeyahay buuqa joojiyo, khilaafka iyo hadalada aan loo baahnayn ee aad is weydaarsanaysaan joojiya, heshiiya, oo isa saamaxa, isku laab xaadhnaada,dantiinu meel ha wada ahaato, masuuliyiinta Xisbiga UCID ayaad tihiin,Siyaasiyiintii dalka ayaad tihiin, markaas idinku is qabsataan maanta dadka kalena hadalkoodaba daa, khilaafkaas ha ku kala tagina, khilaafkaas Xisbiga ha ku burburinana, ee markasta dantiinu isku meel ha ahaato”

Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe) ayaa mar uu ka hadlaayey Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa yidhi “Salaadinta, Cuqaasha iyo Madax-dhaqameedka karamadii , magacii iyo maamuskii ay laayeen, intooda badan waa laga qaaday, oo hawlihii dhaqanka ee ay hayeen waa laga leexiyey, waxaad mooda in Suldaankii shaqo noqday, oo shaqo lagu shaqaysto laga dhigtay, maxaa yeelay mar walba waatan la is garab yaacayo, oo Saldanadihii la iska dhinac sameeynayo, oo maalin walba Suldaan, laga dhinaca sameeynayo Suldaan kale, markaas waxa aan leeyahay magacii iyo maamuskii ay Saldanada iyo Salaadiintu lahaayeen dib ha loo soo celiyo”.

Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe) ayaa mar uu ka hadlaayey Abaarta ayaa yidhi “Markii hore ayey eekayd in la hakiyo Diwaangelinta, laakiin haddii ay Abaartu daba dheeraatay oo roobkii la filayey aanu wali curan, in dib loo riixo Diiwaangelinta waan bogaadinayaa, Madaxweynahana waan ku bogaadinayaa, waana ku talinayaa dadka abaaruhu hayaan gurmad deg deg ah ha lala gaadho, oo ha la caawiyo, ILLAAHAYNA waxa aan ka baryeynaa inuu inoo naxariisto, oo abaartan inaga dulqaado, roob iyo raxmaadna inoogu bedelo.”

Xigasho Geeska Afrika