Jamaal Cali Xuseen oo Xukuumada ka dalbaday inay Diyaariso Qorshe lagu Xakameeyo Khasaaraha ka dhasha Daadadka Dooxyada, Baaqna u diray Beelo ku diriray deegaanka God-heeri oo Saraar

Hargeysa (SLpost)- Murashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID Md.Jamaal Cali Xuseen ayaa ugu baaqay xukuumada madaxweyne Siilaanyo inay si deg-dega u keento qorshe wax lagaga qabanayo  Dooxyada u dhaxeeya Hargeysa Iyo Berbera, oo uu ku tilmaamay inay dhameeyeen hal-doorkii Somaliland oo ay maalin-ba qof qaadayaan, isla markaana waxa uu baaq nabadeed u direy labada beelood ee dirirtu dhawaan ku dhexmartey deegaanka God-heeri oo u dhaxaysa Oog iyo degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta u waramayey qaar ka mida warbaahinta, isaga oo ka dalbaday xukuumada madaxweyne Siilaanyo inay si degdega wax uga qabato dooxyada u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera, si looga hortago dadka ay qaadayaan.

jamaal“Xukuumada waxa looga fadhiyaa inay wax ka qabato Dooxyada Berbera iyo Hargeysa u dhaxeeya oo dhameeyey hal-doorkii reer Somaliland, xukuumadda laba mid uun ayaa la gudboon inay dooxyadaasi hagaajiso, ta labaad-na waxa weeyaan  inta aan dooxyadaasi la hagaajin ma waxay xukuumadu kari waydey dhowr askari oo dadka ka ilaaliya marka dooxyadu rogmanayaan inay halkaasi dhigto. Markaa arrintaa waa wax sahlan waa inay dawladu ku kacko oo dhowr asri dhigtaa si aanu baabuurna u marin marka ay dooxyadu rogmanayaan,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Dooxyadan dadka dhameynaya waxa looga baahan-yahay kaalintii ay xukuumadu ku lahayd inay si degdega uga qaadato, haddii aan dadka laga celinin marka uu daadku socdo inay dooxyada maraan maalin-ba dad ayaa inaga dhimanaya.”

Dhanka kale, Jamaal Cali Xuseen waxa uu tacsi u direy qoyskii, qaraabadii, salaadiinta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid ALLE ha u naxariistii Suldaan Barre Warsame Shire oo todobaadkii hore Shil-baabuur ku geeriyooday, kadib markii  uu daad ku qaaday Dooxa Dacar-budhuq isagoo marxuumku ka mid ahaa wefti ballaadhan oo u kicitimay xalinta shaqaaqo dhex-martay laba beelood oo walaalo ah.

 “Waxaan doonayaa inaan halkan baaq nabadeed uga diro beelaha reer Somaliland ee walaalaha ah ee dirirtu ku  dhexmartey deegaanka God-heeri oo u dhaxaysa Oog iyo degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag, dagaalkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaan leeyahay intii dhimatey ILAAHAY naxariistii janno ha ka wabaariyo inta noolna waa inaynu bad-baadinaa, dagaalku khasaare mooyaane faa’iido ma keeno, markaa walaalayaal heshiiya, waxaanan leeyahay Somaliland way ka soo gudubtey wakhtigii dagaalada, waxaanan ugu duceynayaa inuu ILAAHAY labada Beelood ee walaalaha ah ee wada-dega inuu boggooda burcad isku mariyo,” ayuu yidhi Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net