Jamaal Cali Xuseen oo siyaabo kala duwan uga hadlay Laba Qodob oo uu xukuumadda midkood ku ammaanay midna ku dhaliilay

Hargeysa (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa soo dhaweeyey tallaabada hay’adaha ammaanka iyo kuwa sharcigu ka qaadeen Askarigii dhowaan magaalada Gabiley ku toogtay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Arabsiyo oo todobaadkii hore ku geeriyooday cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo xaalad caafimaad loogu keenay dhaawacyo ka soo gaadhay rasaas askarigaasi ku furay taliya.

Jamaal Cali Xuseen oo siyaabo kala duwan uga hadlay Laba Qodob oo uu xukuumadda midkood ku ammaanay midna ku dhaliilayJamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay ku taageersan yahay madaxweynaha go’aanka ku shaaciyey in cadaaladda la keeno si shacbiga loo tuso in gacan-ku-dhiiglaha qof dil u geystay lagu abaal-mariyo sharciga si looga hortago amni-darro ka dhalata dilalka soo noq-noqanaya. Waxa uu Jamaal xukuumadda ku dhaliilay inay ka gaabisay fulin la’aanta xukunnada dilka ah oo dad badani xabsiyada ugu jiraan muddo sannado ah.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu dhinaca ka hadlay isla markaana shaki xoog leh ka muujiyey Ciidanka Cusub ee Ilaallada Sahanka iyo baadhista Kheyraadka dalka oo madaxweyne Siilaanyo dhowaan digreeto ku abuuray, kuwaas oo ka tirsanaan doona, maamul ahaanna hoos-imanaya Taliska Booliska Somaliland.

Murashaxa Madaxweynaha ee UCID waxa uu arrimahan iyo qodobbo dhowr ah oo kale kaga hadlay mar uu maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ka dib markii laga soo baxay Salaaddii Ciidul-Adxaha oo si weyn la isugu soo baxay dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka.

HALKAN KA DAAWO