Jamaal Cali Xuseen oo mowqif adag iska taagay Dib-u-dhac ku yimaadda Doorashooyinka, madaxweynaha talooyin u jeediyey

Hargeysa (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa kaga dhawaajiyey mowqifka ay xisbi ahaan ka qaadan doonaan haddii doorashooyinku ku qabsoomi waayeen wakhtiga loo muddeeyey oo ku beegan badhtamaha sannadkan.

Diyaar-garow la’aan ka muuqata dhinacyada xukuumadda iyo Komishanka ee la xidhiidha Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Somaliland oo badhtamaha sannadkan, ayaa tuhunno kala duwan oo muddo-kordhin salka ku haya ku dhaliyey xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland oo hore ugu dhawaaqay inay dalka ka samaynayaan dawlad wadaag ah oo waddanka gaadhsiisa doorashooyinka haddii xukuumaddu ka caga-jiiddo hirgelinta doorashooyinka oo ku xidhan diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo aan ilaa immika laga bilaabin dalka.

JAMAALSidaas oo ay tahay, Jamaal Cali Xuseen waxa uu ku adkaysanayaa hirgelinta go’aanka dowladda Wadaagga ah oo ay si wada jir ah uga dhawaajiyeen siyaasiyiinta Madasha wada-tagshiga iyo xisbiyada mucaaridku, waxaanu sheegay inaanay marnaba aqbali doonin muddo-kordhin loo sameeyo xukuumadda.

“Anigu waxaanu wali Ixtiraamaynaa Dawladdii wadaagga ahayd ee ay ku dhawaeen Madasha iyo Xisbiyadda Mucaaridku in la sameeyo, wakhtigii Xukuumadduna wuu dhammaaday. Madaxweynaha ayaa iska leh awoodda ugu badan ee Doorashada lagu qaban-karo, hadafkeedii maanta ma hayno, isagaana looga fadhiyaa inuu qabto Doorashaddii, haddii uu qaban-waayana Dawlad ku meel-gaadh ay ayaanu samayn-doonaa,”Sidaas ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo maanta warfidiyeennada kula hadlayey magaalada Hargeysa.

Dhinaca kale, waxa uu Jamaal Cali Xuseen ka hadlay tabashadda reer Awdal iyo xiisadda uu Suldaan Abubakar Cilmi Wabar ka abuuray gobolkaas, waxaanu madaxweynaha u soo jeediyey talooyin la xidhiidha wax-qabashada arrintaas.

Jamaal oo la weydiiyey aragtidiisa la xidhiidha dariiqa ay xukuumaddu u mari karto xalka tabashada reer Awdal, waxa uu ku jawaabay, “Talooyinka aan u jeedin lahaa Madaxwaynaha waxa weeyaan inuu iska daayo Guddiga uu dirayo ee isagu uu la soo xaalo.

Waa inuu talooyin ad-adag ula tago, iyagana uu ku yidhaahdo waxaan idinka doonayaa inaad wax ka qabataan Suldaanka, iyaga ayaa gacanta ku soo dhigi lahaa, laakiin reer Awdal marka ay arkaan iyaga oo aan tabashadoodii waxba laga qaban iyaguna Suldaanka waxba ka qaban-mayaan,” Sidaas ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

SOMALILANDPOST.NET