Jabuuti Oo Soo bandhigtay Qorshe Fashiliyey Rejo-beelka Wada-hadallada Ethiopia iyo Somalia

Advertisement

Djibouti (SLpost)- Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa meesha ka saartay in Dowladda Turkey guul ka gaadho dedaallada dhex-dhexaadineed ee ay ka dhex-waddo waddamada Ethiopia iyo Soomaaliya, isagoo taas ku sababeeyey mowqifyada ay labada waddan kala taagan yihiin oo aad u kala fog.

Gelinkii dambe ee Salaasada maanta waxa natiijo la’aan ku dhammaaday wejiga 2aad ee Wada-hadallo dhex-dhexaadin ah oo xukuumadda madaxweyne Recep Erdogan isugu keentay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Ethiopia iyo Soomaaliya kuwaasi oo u ballamay inay isugu yimaaddeen kulan saddexaad kaddib markii dhinac waliba ku adkaystay mowqifkiisa.

Khilaafka u dhexeeya labada waddan ee deriska ah ayaa salka ku haya heshiis is-afgarad oo bilowgii Sannadkan dhex-maray Dowladaha Somaliland iyo Ethiopia, kaas oo xukuumadda Addis Ababa fursad u siinaya saldhig military oo ay ka kiraysato xeebaha Galbeedka Somaliland.

Advertisement

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo u warramay Wargeyska Asharq Al-Awsat oo xaruntiisu tahay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, waxa uu ku dooday inay Dowladda Ethiopia u aamisan tahay Somaliland waddan madax-bannaan, taasoo uu Sheegay inay ka soo horjeeddo eedaynta Soomaaliya u jeedisay Xukuumadda Addis Ababa ee ay inay ku soo xad-gudubtay midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

“Marka runta laga hadlo, Aad bay u kala fog yihiin mawqifyada labada waddan ee ku aaddan mowduuca ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed, waxaanu xaalku ku jiraa in midkood ka tanaasulo mowqifkiisa ku saabsan arrintan,” Sidaas waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo u warramay Wargeyska Asharq Al-Awsat.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti waxa uu shaaca ka qaaday in dalkiisu diyaariyey qorshe xambaarsan wada-hadallo qarsoodi ah oo lagu soo afjari karo khilaafka labada waddan haseyeeshee waxa uu ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo, sida uu qorey Wargeyska Asharq Al-Awsat.

Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu ku dooday in dalkiisu dedaallo dheeraad ah u bixiyey dejinta xiisadda ka dhex-aloosan labada waddan isla markaana madaxweynaha Jabuuti isaga dab-qaaday labada hoggaamiye.

“Dhex dhexaadinta Turkiga waxay ku timi codsi ka yimid Itoobiya, kadib markii ay fashilantay dhex-dhexaadin ay Kiiniya soo qaban-qaabisay. Waxaa muhiim ah in dhammaan dadaallada diblumaasiyadeed ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa xasilloonada iyo nabad-gelyada gobolka, taasoo ah ujeeddooyinka ugu muhiimsan ee aanu Jabuuti ahaan ka duulayno,” sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti.

Dowladda Jabuuti oo danahooda ka dhex-arkay burburka ku yimi wada-hadallada labada waddan ee Ethiopia iyo Soomaaliya, ayaa xilligan u muuqata inay kaalin dhex-dhexaad ah ka ciyaarto xiisadda u dhaxaysa labada waddan maadaama oo ay hor uga soo horjeesteen heshiiska is-faham ee dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia.

Wejiga labaad ee wada-hadallada Turkiga, ayaa maanta lagu kala kacay kaddib markii Dowladda Ethiopia ku adkaysatay hirgelinta heshiiska is-faham ee dhexmaray Somaliland halka Somalia dhinaceeda ku adkaysatay in marka hore Ethiopia heshiiska ka noqoto beddelkeedana ay doonto deked ay isticmaasho.

Burburka wada-hadallada Turkey iyo hadalka ka soo yeedhay Dalka Djibouti ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud safar ku joogo waddanka Masar oo qayb ka ah khilaafka u dhexeeya xukuumadaha Addis Ababa iyo Muqdisho.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement