Jabuuti Oo Lagaga Dhawaaqay Musharaxiinta Tartamaaya iyo Wakhtiga ollolaha La Galaayo oo Bishan Ah

Dowladda Djibouti ayaa maanta ku dhawaaqday lixda murashax ee codsiyadooda la ogolaaday ee u ordi doona doorashada madaxtinimada dalkaasi.

Lixdan murashax ayaa waxaa ansixiyay golaha dastuurka ee dalka Jabuuti, Lixdan musharax ayaa kala ah madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Jaamac Cabdiraxmaan Jaamac, Xasan Idiris Axmed, Maxamed Daa’uud Shaxim, Maxamed Muuse Cali, Cumar Cilmi Kheyre.

Wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti Xasan Cumar Maxamed, ayaa musharaxiinta la ansixiyey uga warramay weriyaheenna Ramadaan Muuse.