Jaamacadda SOAS ee London oo la Wadaagtay Shirkadda Dahabshiil Khibradda Hawlahooda

London (SLpost)- Maareeyaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Ducaale, ayaa ka qaybgalay kulan ay soo qanabqaabisay Jaamacadda SOAS (School Of African and Oriental Studies) ee magaalada London oo lagu soo bandhigay daraasad ku saabsan sida lacagaha la diro qayb uga qaataan adeega bulshada.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Jaamacadda SOAS horraantii toddobaadkan oo ah ta ugu caansan ee bixisa culuun iyo cilmi-baadhis la xidhiidha qaaradda Afrika, waxa ka qaybgalay aqoonyahanno, macallimiin iyo ardayda wax ka barata Jaamacadda iyo martisharaf kale, waxa lagu shaaciyey cilmi-baadhis jaamacaddaasi ku samaysay lacagaha la diro iyo kaalinta shirkada Dahabshiil ku leedahay.
Drs. Laura Hammond oo ah macallimad duruus ka bixisa Jaamacadda SOAS ayaa sheegtay in lacagaha shirkada Dahabshiil dirto kaalin weyn kaga jiraan adeega bulshada Soomaalida, “Waan ku faraxsanahay inaannu ku casuunno Mr. Cabdirashiid M. Siciid oo nala wadaago khibarada shirkadoodu u leedahay la shaqaynta Soomaalida. Macluumaadkiisu wax wayn ayey ku kordhin doonaan daraasada aannu wadnay,” ayey tidhi Drs. Laura.
Maareeyaha guud ee shirkadda Dahabshiil Mr. Cabdirashiid M. Ducaale oo kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Jaamacadda SOAS in ay shirkadda Dahabshiil ku casuunto daraasad ay ku samaynayeen kaalinta lacagaha la diro u leeyahiin dadka Soomaaliyeed oo ka faa’iidaystaan malaayiin dacallada dunida ku kala nool, “Siminaarkan jaamacadda SOAS waa markii ugu horreysay ee ay daraasad ku sameeyaan lacagaha dadka Soomaalidu dalka gudihiisa ama dibadiisa ka diraan. Lacagtaa oo si weyna u caawisa dadkeena,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid.
Kadib khudbadaha laga jeediyey kulanka waxa ardayda Jaamacaddu halkaasi su’aalo ku waydiiyeen Meeraayaha Dahabshiil, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, Allissa Hitzermann oo u dhalatay dalka Niger, kana barata jaamacadda xallinta khilaafaadka, ayaa weydiisay, inuu warbixin ka siiyo sidii loo aasaasay shirkadda Dahabshiil, maadaama in badan ay maqashay magaceeda, waxaanna Mr. Cabdirashiid M. Siciid oo ka jawaabayey su’aashaasi yidhi, “Ganascigan, sidaad la socotiin shirkada Dahabshiil muddo afartan sannadood ka hor ayaa la aasaasay oo uu dhulka Soomaalida ka shaqaynayey, taasoo fursad noo siisay inaannu dadka Soomaalida kala barano, waxaanay keentay in gobol kasta oo qof Soomaali ahi degan yahay maanta shirkadda Dahabshiil ka furan tahay.”
Kulanka Jaamacadda SOAS ayaa noqonaya markii kowaad ee ardayda wax ka barata iyo marti sharaftii kale ee ka qaybgashay wax badan ka ogaadaan hawlaha ay ummadda Afka Soomaaliga ku hadasha u qabato shirkadda Dahabshiil sida lacag dirista iyo isgaadhsiinta oo nolosha dadka qayb weyn ka qaata.

Somalilandpost.net

webmaster[at]somalilandpost.net