Jaamacadda ADMAS Faraceeda Hargeysa oo La Mataanoowday Jaamacad ku taalla Japan iyo faa’iidada ku jirta (DAAWO MUUQAAL + SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Jaamacadda ADMAS Faraceeda Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa heshiis ay gaadheen kula Mataanoowday Jaamacadda Hitotsubashi University Institute of Innovation Research of Japan (IIR) ee dalka Japan, waxaana Sabtida Berriba Jaamacadda ka bilaabmi doona aqoonta ay iska-kaashanayaan labada Jaamacadood oo ay dhigayaan Macallimiin ka socda Jaamacaddaasi.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAMunaasibad Ballaadhan oo lagu Mataanaynayey Jaamacadda ADMAS qaybteeda magaalada Hargeysa iyo Jaamacad ku taalla waddanka Japan, ayaa lagu qabtay xalay Huteel Maansoor ee Caasimadda Hargeysa, taasoo ay ka qaybgaleen Masuuliyiinta labada Jaamacadood ee la Mataaneeyey, Masuuliyiin kala duwan oo Hay’adaha dawladda Somaliland ka socday iyo Ardayda ADMAS wax ka barata qaarkood.

Guddoomiyaha Jaamacadda ADMAS Fareceeda Hargeysa Ixsaan Cumar Ismaaciil, ayaa furitaankii Munaasibaddaa ka hadlay, ayaa faahfaahiyey Barnaamijkan oo uu ku tilmaamay mid tijaabo hadda ah, balse la sii ballaadhin doono, waxaanu yidhi; “Dhammaantiin waxaan idinku soo dhawaynayaa Barnaamijkan aannu ku Daah-furayno Barnaamijkan aannu ugu magac-darnay Japan – Somaliland open University (Furitaanka Jaamacadaha Somaliland iyo Jabbaan), waa Mashruur immika tijaabo ah oo aannu doonayno inaannu ka midha-dhalinno. Wareeggan koowaad Ardayda ugu horreysa ee aannu qaadannay waa 11 Arday oo shan ka mid ahi ADMAS ka socdaa, lix Ardayna ka socdaan Hay’adaha kale.”

Guddoomiye Ixsaan waxa uu intaas ku ladhay; “Waa Barnaamij aannu doonayno inaannu la kaashanno Hitotsubashi University Institute of Innovation Research of Japan (IIR), waa Jaamacad wayn waanad baadhi kartaan. Weftigan ka socda Jaamacadda Japan waxay innoo yimaaddeen markii ugu horreysay bishii August illaa iyo maantana waxaan wadnay mar ay yimaaddaan iyo mar aannu isgaadhsiinta ku wada xidhiidhaynayba, gebogabadii waxaan ku guulaysannay inaynu maanta halkan isugu nimaadno oo heshiiskan guusha ah aannu wada gaadhno.”

OLYMPUS DIGITAL CAMERA“Waxbarashadu waxay u badan tahay Online, Kooxda ugu horreysa ee Sabtida soo galayaa waxay fursad u helayaan Profissor-kii ugu horreeyey inay fool-ka fool ah wax ugu dhigi doono. Waxyaabaha uu Barnaamijkani xoogga saarayaa waa laba (derajo) qodob. Waa Koox Dhalinyaro ah oo Shaqaysa oo la doonayo in lagu kaabo ama la siiyo Waxbarashada Casriga ah ee ay Aqoontooda iyo Xirfadohooda ku horumarin lahaayeen iyo qayb online ah.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Jaamacadda ADMAS Ixsaan Cumar.

Aasaasihii Jaamacadda ADMAS Faraceeda Hargeysa Cadnaan Daahir oo Munaasibaddaas ka hadlay, ayaa ka warramay marxaladihii ay Jaamacaddu soo martay iyo halka ay hadda marayso, isagoo xusay inaanay ahayn markii ugu horreysay ee ay Barnaamij noocan oo kale ah Jaamacado dibedeed la samayso ADMAS.

“Jaamacadda ADMAS Maaha markii ugu horreysay ee ay Barnaamij noocan oo kale ah soo qaban-qaabiso. Jaamacadda ADMAS kumay iman qaab ganacsi, waxay ku timi qaab Gurmad, waxay ku timi qaab ka qaybqaadashada dib-u-dhiska iyo horumarka dalka ah, in la hirgeliyo oo la furaa waxay qaadatay sannad iyo toddoba bilood, laga yaabaa qofka maanta is-yidhaahda Jaamacad ka furo Hargeysa inay saacado ku qaadato.” Sidaa ayuu yidhi Cadnaan Daahir.

Waxaanu Cadnaan oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray oo uu yidhi; “Madaxda Itoobiya waxay is-weydiin jirtay dadka hawsha wataa maxaa ku kallifaya inay sannad iyo toddoba bilood daba socdaan, maxaa-yeelay lama oggolayn Itoobiya iyo xidhiidhka Somaliland ka dhexeeyaa kuma wajahnayn dhinaca Waxbarashada, waxay noqotay Jaamacaddii u horreysay ee Itoobiya laga dhoofiyo ee dibedda la geeyo ee qaab iyo sifo-sharci ku timaadda.” Waxaanu Cadnaan sheegay inay ADMAS xoojisay xidhiidhka waxbarasho iyo ganacsi ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Prof: Seiichiro Yonekura oo ka mid ah Professor-rada ka socda Jaamacadda Japan, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay Heshiiskan iskaashi ee dhex-maray Jaamacadda ADMAS iyo Jaamacadda uu ka socdo ee Hitotsubashi University Institute of Innovation Research of Japan (IIR).

OLYMPUS DIGITAL CAMERASidoo kale, Prof: Seiichiro iyo Masuuliyiin kale oo u hadlay Jaamacadda Japan, ayaa dawladda Somaliland uga mahad-celiyey dedaalka dhinaca waxbarashada iyo horumarka ay ugu jirto, waxaanay is-barbar-dhig ku sameeyeen heerka Burburka waddanka Japan soo maray iyo sidii waxbarashadu u luntay iyo sida looga soo kabtay iyo sida ay wakhtigan Somaliland oo iyana burbur soo martay ugu baahan tahay in laga dhiso dhinaca aqoonta ee heer Jaamacadeed oo ay xuseen inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan horumarinta waxbarasho ee Somaliland oo ay ugu horreyso iskaashiga aqooneed ee ay ka bilaabayaan Jaamacadda ADMAS Faraceeda Somaliland ee magaalada Hargeysa.

La-taliyaha Xidhiidhka Hay’adaha Caalamiga ah ee Madaxweynaha Somaliland Cabdifataax Siciid Axmed, waxaanu yidhi; “In Japan Somaliland yimaaddo waa wax fiican oo noo soo kordhay oo aannu soo dhawaynayno, waxaan leeyahay ADMAS waad ku mahadsantihiin xidhiidhka caalamiga ah ee dhinaca Waxbarashada ka samayseen, Ardayda ADMAS-na ka faa’iidaysta aqoontaas ayaan leeyahay, annaguna Xukuumad ahaan diyaar baannu u nahay wixii hawl nagaga aaddan.”

Jaamacadda ADMAS Faraceeda Hargeysa oo dhawaan u gudubtay Derjada Jaamacad buuxda, ka dib qiimayn Jaamacadaha Itoobiya ka jira lagu sameeyey, ayaa heshiis xidhiidh toosa oo iskaashiga waxbarashada ah hore ula gashay Jaamacad ku taalla waddanka Jarmalka, waxaanay noqonaysaa Jaamacad xidhiidh la leh Jaamacado ku yaalla Qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika-ba.

DAAWO MUUQAAL