“Jaamacadaheennu waa inay ka Qayb-qaataan Xalka Dhibaatooyinka haysta Bulshada ee u baahan cilmi-baadhista” – Madaxweyne Biixi

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa u soo jeediyey Jaamacadaha dalka inay daraasayn ama cilmi-baadhis ku sameeyeen Dilalka ama waxyeelaynta loo geystay ciidammada ammaanka iyo khasaaraha ay sababaan shilalka Gaadiidka oo xilligan ku soo badanaya Dalka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey munaasibad maanta lagu weyneeyey xuska 28-guurada maalinta Aasaaska Ciidanka Booliska Somaliland, taas oo lagu soo bandhigay warbixin sannadeedka fal-dambiyeedyada iyo shilalka gaadiidka ee ka dhacay dalka sannadkan.

Madaxweynuhu oo ka shidaal-qaadanaya warbixinta Ciidanka Booliska, waxa uu sheegay in khasaaraha  dhimasho ee ka dhasha shilalka gaadiidka iyo dilalka kala duwani ay khasaare ahaan ka badan yihiin tirade dadka u geeriyooda cudurrada safmarka ee saamayn ku yeeshay dunida oo xannuunka Covid-19 ugu horreeyo.

Advertisement

“Waynu u baahannahay oo waa nimco inaynu helno gaadiid badan, laakiin xagga kale waxa badan dhibaatada uu innagu hayo oo laynoo sheegay dhimashadiisu inay ka badan tahay cudurrada aafooyinka ah,” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynuhu waxa uu xusay uu Md Muuse Biixi aafo talo-qaran u baahan ku tilmaamay waxyeellaynta iyo dilalka loo geysto ciidammada kala duwan ee dalka, waxaanu yidhi, “Waxaynu hambalyeynaynaa ciidanka Booliska, in sannadkaa sannadkiisa ay ku gaadhaan Barwaaqo iyo bashbash, waxana ay inoo tilmaameen dhibaatada ugu weyn ee haysataa inay tahay dilal badan oo ciidanka loo geystay iyaga oo ka shaqaynaya danta qaranka, taas oo u baahan inaynu qaran ahaan ka halgalno sidii aynu u yarayn lahayn dadka qaldan ee dagaal dantooda ah kala hor imanaya ciidanka Booliska, waana arrin culayskeeda leh.”

Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay in labadaas arrimood talo-qaran oo loo midaysan yahay laga yeesho sidoo xalkooda loo raadin lahaa, waxaanu si gaar ah ugu soo jeediyey Jaamacadaha Dalka inay Cilmi-baadhis ku sameeyaan.

“Labadaas qodob oo u baahan in hab-qaran laysugu tago oo Somaliland oo dhan, gaar ahaan inaan jecelahay inay Jaamacaduhu daraasado badan ka sameeyaan. Jaamacadaheenna oo fara badan oo arday badan wax ka bartaan, waa inay ka Qayb-qaataan Xalka Dhibaatooyinka Bulshada ee u baahan cilmi-baadhista iyo oddoroska dheer. Maanta Jaamacadeheenu waxay marayaan heer ay inoo diyaariyaan dhibaatooyinka xalkooda inay sii oddorosaan,” Sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement