JAAMAC SHABEEL OO JAWAAB KA BIXIYAY DHALIILO XISBIGA WADDANI U JEEDIYAY MADAXWEYNE SIILAANYO

Hargaysa(SLpost) Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye Md. Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel), ayaa sheegay in go’aankii uu madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ku deedifeeyay ka qayb galka shirka Soomaaliya loogu qabanayo dalka Britian uu ahaa talaabo sax ah

Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel), waxa uu tilmaamay in madaxwaynaha Somaliland uu in muddo ah ka baaraan degayay mawqifka ay Somaliland ka qaadanayso shirkaasi isla markaana markii uu arkay sida ay wax u socdaan iyo qorshaha shirkaasi uu go’aan cad ka qaatay.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, oo xalay khadka telefoonka ugu waramayay wargeyska DAWAN, waxa uu yidhi “Madaxweynuhu intii hore oo dhan waxa uu ku jiray hub

Shabeel1

siimo oo wuu ka baaraandegayay waxa meesha laga wado, markii uu ku qancayno wuu ku dhawaaqay, talaabada Madaxweynuhu qaadayna waa tii saxda ahayd, sawtan la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya guddoominayo shirka, halka shakiga badan laga qabayna halkaa ayay ahayd, Madaxweynaha Somaliland-na shirkaa uu Madaxweynaha Soomaaliya guddoominayo ka qayb gali mayno ayuu yidhi, waanu ku saxsan yahay, oo shir uu Madaxweynaha Soomaaliya guddoominayo fadhiisigiisu macno ay inoo samaynaysaa ma jirto”.

Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel), oo aanu waydiinay waxa uu kaga jawaabgayo, eedo ay madaxwaynaha Somaliland u soo jeediyeen qaar ka mid ah xisbiyada mucaaridka ah, gaar ahaana xisbiga Waddani oo talaabo xun ku tilmaamay go’aankii uu Madaxweynaha Somaliland ku diiday in ay Somaliland ka qayb geli doonto shirka Soomaalida loogu qabanayo magaalada London, waxa uu ku jawaabay “xisbiyada mucaaridku in badan ayay ka qaylinayeen shirka soomaalida loo qabanayo oo ay lahaayeen meeshaa waxba inooma yaalaan, oo shaki badan iyo dareen ay ka muujinayeen, xisbiga WADDANI in uu sidii UCID oo kale taageero ayaa haboonayd, marka haddii talaabadii saxda ahayd la qaaday, laakiin sax iyo khaladba haddii ay yidhaahdaan xisbiyada mucaaaridku waan dhaliilaynaa, markaa ma jiro dhinac ay u socdaan, waxay ahayd talaabada saxda ah ee uu madaxwaynuhu qaatay inay taageeran” ayuu yidhi Md jaamac Shabeel.

Sidoo kale Jaamc Shabeel oo aanu wax ka waydiinay hadal ka soo yeedhay wasiirkii hawlaha guud ee xukuumadii Daahir Rayaale, Siciid Sulub oo sheegay in xisbiga Kulmiye ay u bilaabantay jidkii uu xisbigii UDUB ku bur-buray, waxa uu yidhi “hore ayaa loogu jawaabay Siciid Sulub, oo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ayaa ka jawaabay, markaa waxaan u malaynayaa Siciid Sulub in aanu jawaabtii hore akhrisan, waxaan leeyahay la soco jaraa’id oo marka lagaaga horeeyo ee lagaaga jawaabo hadalka in macno samayn mayso”.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in aan la is bar-bar dhigi karin qaab dhismeedka xisbiga KULMIYE iyo xisbigii bur-buray ee UDUB, isaga oo xusay in xisbigii UDUB uu ahaa mid laga dhex abuuray dawlada bal se xisbiga KULMIYE banaanka lagu soo dhisay, soona maray marxalado kala duwan oo mucaaridnimadu ka mid tahay.

“UDUB dawladnimo ayaa isku keentay, oo dawlada ayaa lagu dhexsameeyay, Kulmiye banaanka ayuu ku samaysmay oo mucaaridad ayuu ku samaysmay, isku duruufna kuma ay samaysmin labada xisbi, isku duruufna kuma jiraan, sinaba la iskuma misaali karo, aad ayayna u kala duwan yihiin, lagama yaabo in bur-bur uu ku dhacdo” ayuu yidhi guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE.

Jaamac Shabeel oo aanu wax ka waydiinay waxa ay ku kala duwan yihiin golihii deegaanka ee hore oo uu isaga qudhiisu ka mid ahaa iyo golaha deegaanka ee hada jooga, waxa uu ku jawaabay “golahani way cusub yihiin, inkasta oo dadka shacabka ahi ay ka dayrinayaan, haddana wakhtigii la qiimayn lahaa may gaadhin, hala sugo inta ay wakhti joogayaan, ama waxay noqon ragg wixii ay ku balanqaadeen fuliya ama waxay noqon doonaan kuwo ka gaabiya.Talaabada ay mushaharka ku korodhsadeen waxaan u arkaa in aanay haboonayn, oo ay iyagu iska bilaabeen, waana talaabo ay ku deg-degeen oo aan haboonayn.

SLpost

hargeysa