“JaaliyaDda Somaliland UK waxay bogaadinaysaa Madaxweynaha wafdigii la socday guusha ay ka soo hooyeen socdaalkii Kenya iyo London” – WARSAXAAFADEED

SSUKLondon (SLpost)- Ururka ay ku midaysan yihiin Jaaliyadda Somaliland ee Dalweynaha Britian ee SSUK, ayaa madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo weftigiisa ku bogaadiyey Guusha ay ka soo hanteen Socdaalkoodii magaalooyinka Nairobi iyo Kenya.

Warsaxaafadeed ay soo saareen Guddida Ururkan, ayaa u dhignaa sidan:,

“Jaaliyadda Somaliland UK (SSUK) waxay aad u soo dhawaynaysaa kuna bogaadinaysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Ahmed Mahamed Mahamuud  iyo wafdigii la socday guusha ay ka soo hooyeen socdaalkii ay ku soo mareen Kenya iyo London.

 Socdaalka Madaxweynuhu wuxuu aad u xoojiyay cilaaqaadka iyo xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee ka dhexeeya  Somaliland, Maraykanka iyo UK. Arrintaa oo ka mid noqonaysa talabooyinka wax ku oolka ah iyo wax qabadka xukuumada  mudadii gaabnayd ee ay  xilka haysay.

Madaxweynaha Somaliland iyo waftigii uu hogaaminayay waxa ay si sharaf leh ugu qaabileen xubno ka mid ah bulshada reer soomaaliland ee dagan UK. 12/02/2013 kii qolka shirarka ee huteelka Sheriton. Kulankaas oo ujeedadiisu aheyd is xogwareesi iyo in bulshadu aragtiyadooda ugu gudbiyan waftiga uu hogaaminayey madaxweenha Somaliland mudane Axmed maxamed Maxamuud.

Gabagabaddii Gudida Somaliland society UK “SSUK” Waxay Shacbiga Somaliland UK ugu baaqayaan:

-In marxalada iyo duruufaha inagu soo fool leh inooga baahanyihiin  isku duubni iyo wadajir iyo in aynu is garab taagno dadaalka iyo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee xukuumada Somaliland  ugu jirto ictiraaf raadinta, horumarka iyo kobcinta dhaqaalaha guud ahaanba.

-Waxaanu sidoo kale ku dhiirinaynaa xukuumadu inay sii wadaan dadaalka ay ku jiraan dulqaadna u yeeshaan dhaaliilaha shacbigu u soo jeedinayaan una qaadanin arin shakhsi se u arkaan toosin iyo wax is tusba.

Sidoo kale gudida SSUK waxay ka codsanayaan dhamaan waxgaradka, odayaasha, masuuliyiinta sadexda xisbi qaran ee dagen UK, Somaliland mission, SSUK iyo SSE in ay sida ugu dhakhsaha badan u yeeshaan kulan lagaga arinsanayo sidii wadajir iyo is afgarad loogaga bixi lahaa arimaha ku yimaada ama soo wajaha bulshda.

Kulankaas oo  gudida SSUk sida ugu dhakhsaha badan dib uga soo sheegi doonaan madasha iyo goorta la qabandoonaba.

Allaa mahad leh

Guddida, SSUK

London