Jaaliyadda Somaliland Ee Norway Oo Si Weyn u Maamuusay Xuska 18 May +Sawirro

“Somaliland waxay ku timi rabitaan Shacab, cidna inagama qaadi karto, maaha wax ku xidhan qof siyaasi ah”

Oslo (SLpost) – Jaaliyadaha Somaliland ee ku nool dalka Norway, ayaa sameeyay isku soo bax ballaadhan oo ay ku xuseen 32 Guurada ka soo wareegtay Maalinta Qaran ee 18-ka May.

Xuskan oo ay ka qayb-galeen in badan oo ka mid ah Jaaliyadaha Somaliland ee ku nool Magaalooyinka dalka Norway, ayaa lagu qabtay Caasimadda Oslo.

Xuskan ayaa Dadweynuhu ku soo bandhigeen qiimaha uu Dalkooda Somaliland Agtooda ku leeyahay iyo siday Difaaciisa iyo horumarkiisa diyaarka u yihiin.

Isku soo baxan oo ahaa Mid aad u ballaadhan, ayaa waxa Dadweynaha oo Jacaylka Dalkooda la qiiraysani ay dhegaysteen Heesta Calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Heesaha Waddaniga ah ee ku saabsan Qiimaha 18-ka May.

Masuuliyiinta Khudbadaha ka jeediyey Xuskan, waxa ka mid ah Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Norway Maxamed Aadan (Liilan) oo isaga, Hawl-wadeennada Xafiiskiisa iyo Guddiga Jaaliyaddu soo diyaariyeen Xuskan ay Dadweynuhu iskugu soo baxeen Magaalada Caasimadda Oslo.

Ambassador Liilan ayaa yidhi “Haddaanu nahay reer Norway, sida Shacabka Somaliland ee kale u dabbaal-degayaan ayaanu u dabbaal-degaynaa. Waa xuskii 32 aad ee Madax-banaanida JSL, taariikh baa ku duugan, noloshii dadkeena oo dhan baa ku duugan, halgankii baa ku duugan, 4 Madaxweyne ayaynu beddelnay. Waxaan u Mahad-naqayaa dadkii Xuskan soo qaban-qaabiyey..”

Safiirku waxa uu Maamul Goboleedka Puntland ugu baaqay inuu ciidankiisa kala baxo Laascaanood, “Puntland waxaanu ugu baaqaynaa inay Ciidankeeda kala baxdo Laascaanood,”ayuu yidhi Ambassador Maxamed Aadan Liilan, waxaanu intaa ku daray, “Somaliland waxay ku timi rabitaan Shacab, cidna inagama qaadi karto, maaha wax ku xidhan qof siyaasi ah”.

Xuska 18-ka May, ayaa sidan oo kale sannad walba looga xusaa Dalka Norway, waxaana soo qaban-qaabiya Safiirka Somaliland oo kaashanaya Guddiyada Jaaliyadda Somaliland ee dalkaa ku nool.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net