Jaaliyada Somaliland ee Minnesota Oo Xaflad Il-yartu Isqabatey Soo Dhaweyn Ugu Sameeyey Madaxda Xisbiga UCID

Minnesota (SLpost)- Jaaliyada reer Somaliland ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka magaaladiisa Minneapolis ayaa Xaflad soo dhaweyn ah u sameeeyey Murrashaxa Madaxweynanimada UCID-da Cusub Jamaal Cali Xuseen Iyo Xoghayaha guud ee xisbiga UCID Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-Keyse) habeenimadii Axadu soo galaysay ee aynu soo dhaafnay.

1

Munaasibadan soo dhaweynta ayaa waxa ka soo qeybgalay madaxda xisbiga Republican party ee dalka Maraykanka madaxdiisa heer qaran ee Congress-ka Mareykanka ee laga soo doorto gobolkaasi,Jaalliyadda reer Somaliland,iyo taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo si meeqaam sare ah u soo dhaweeyey.

Waxa halkaasi ka hadlay masuuliyiin xisbiga iyo jaalliyada reer Somaliland ka kooban iyo weliba madaxdii Xisbiga Republican party oo soo dhaweeyay madaxda.

3Xoghayaha guud ee xisbiga UCID Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-Keyse) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu si qoto dheer uga hadlay Siyaasada arrimaha dibadda iyo arrimaha gudaha ee dalka Somaliland iyo xisbi ahaan waxa ay ka damacsan yihiin.

Murrashaxa Madaxweynanimada UCID-da Cusub Jamaal Cali Xuseen oo isaguna halkaasi ka jeediyey khudbad taariikhiya ayaa waxa uu aad uga hadlay xaalada guud ee wakhtigan Somaliland mareyso,iyo qorshayaasha uu Xisbiga UCID damacsan yahay.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu Jamaal ka hadlaya arrimaha dhaqaalaha iyo sida loo kobcin karo,arrimaha ictiraafka Somaliland, waxa ay UCID ka aaminsan tahay shirarka Soomaalida London loogu qabanayo bisha May ee sannadkan.

Jamaal wuxuu halkaasi ka cadeeyay in qaddiyadda Somaliland inay tahay geed ka go’an oo aanay marnaba ku xidhnayn mansab la siiyo Somaliland.

4Murashaxa madaxweynanimada UCID-da cusub Jamaal waxa uu soo bandhigay jidka ugu haboon ee uu xisbiga UCID u mari karo horumarinta waddanka haddii-ba ay ku guuleystaan doorashooyinka soo socda, haddii ILAAHAY idmo.

Jamaal wuxuu si qurux badan u iibiyey qaddiyadda Somaliland iyadoo ay halkaasi dhegaysanayeen dad iyaguna ka soo jeedda waddanka Soomaaliya ee aynu jaarka nahay iyo inay dantooda tahay in maanta ay Somaliland noqoto waddan sida Jabuuti oo ay cadahayba inay ku soo barakaceen.

Jamaal iyo Axmed keyse waxay si fiican u qanciyeen dadkii halkaasi isugu yimid oo isugu jiray,odoyaal, haween, dhalinyaro, fanaaniin, Abwaano, iyo aqoonyahano tiro baddan oo Soomaali iyo caddaan-ba lahaa.

Axmed-Kyese-and-Jamaal-475x475Kadib markii ay xafladii dhamaatayna waxaa laba abaal-marin la kala gudoonsiiyey Murrashaxa madaxweynanimada UCID-da cusub Jamaal Jamaal Cali Xuseen iyo Axmed Keyse, waxaana abaal-marintaasi guddoonsiiyey oo bixiyey ururka dhalinyaradda iyadoo loo siiyey hogaamintii fiicnayd ee ka dhex muujiyeen xisbiga UCID oo ku guuleystay tartankii doorashadii golayaasha Deegaanka Somaliland.

Ugu danbeyntiina waxa halkaasi lagu soo gunaanaday heeso waddaniya sida tii calanka iyo heeso cusub oo fanaaniinta reer Minnesota ay u qaadeen xisbiga UCID, waxaanay tani muujisay in xisbiga UCID oo taageero baddan ka kasbaday gobolkan Minnesota, waxaanay xafladdii ku dhamaatay jewi farxad leh.

SOMALILANDPOST.NET