Wararkii u dambeeyey ee Dagaalka Laascaanood Oo Weji Cusub Yeeshay iyo Guulaha Ciidanka Qaranka

Hargeysa (SLpost)- Fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Gobolka Sool, ayaa maanta lagu soo qaaday weerarro kaga yimi maleeshiyadka Huwanta ah ee ku sugan gudaha magaalada Laascanaood iyo ciidamada maamul-goboleedka Puntland.

Dagaalka maanta oo galay maalintii toddobaad, waxa dagaal khasaare ba’an sababay ka dhacay fadhiisimada Ciidanka ee duleedka Laascaanood oo subaxnimadii hore ee saaka ay soo weerareen malleeshiyaadka ka amarka qaata Garaaddada Sool.

Sidoo kale, waxa weerar lagu soo qaaday Fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Tukaraq oo ay soo weerareen Ciidamada maamul-goboleedka Puntland oo maalmihii u dambeeyey la soo dhoobayey xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Advertisement

Faahfaahinta Warkan kaga bogo Muuqaalka Hoose

Follow us On