Itoobiya Oo Xuduudkeeda Xidhatay, Xilli Ay Diiwaangelintu Maanta Ka Bilaabmayso Gobalada Saaxil, Hawd Iyo Gabiley

Hargeysa(SLpost)-Diiwaangelinta cod bixiyayaasha Gobalka Saaxil, Baligubadle iyo Gabiley, ayaa la filayaa inay maanta si rasmi ah u bilaabanto, waxaana la diyaariyay shaqaalihii diiwaangelinta ee deegaanada ka bilaabi lahaa diiwaangelinta dadka uu sharcigu u ogolyahay inay codeeyaan doorashada sannadka dambe ee 2017.

Diiwaangelintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dadweyne badan oo ah reer Gabiley iyo reer Baligubadle oo xoolo dhaqato ahi ay abaarta jirta darteed ugu hayaameen xuduudka Itoobiya, si ay xoolahooda ula raadsadaan biyo iyo baad. Hase yeeshee habkii dadkaas loo diiwaangelin lahaa ayaa waxa shalay ilaa xalay soo waajahday caqabad, ka dib markii ay dawladda Itoobiya xidhay xadkeeda.

Dawladda Somaliland ayaan habayaraate ka hadal go’aanka ay Itoobiya ku xidhay xadkeeda, waxaanan isku daynay naanu wax ka weydiino inay ka dawlad ahaan la xidhiidheen dawladda Itoobiya, gaar ahaan masuuliyiinta deegaanka Soomaalida Itoobiya, si muwaadiniinta Somaliland loogu ogolaado inay diiwaangelinta ka qayb galaan, laakiin masuuliyiinta dawladda Somaliland ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan arrintan.

Balse warar kale oo xogogaal ah ayaa sheegay in la filayo inay maanta arrintan ka wada hadlaan ismaamulka Somalida Itoobiya iyo wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, si xal looga gaadho sidii loo diiwaangelin lahaa dadka reer Somaliland ee ay duruufta abaareed xadka ka talaabisay.

Xigasho geeska Afrika