Itoobiya Oo Xabsiga Ka Sii Dayday Xubno Ka Mid Ah Mucaaradka Dalkaas oo Ay Ku Eedaysay Inay Xagjiryihiin

Itoobiya(SLpost)-Habtamu oo ah hogaamiye mucaarad ah oo cod dheer iyo Abraham oo ah macalin siyaasi ah labadaba waxaa la xiray 2014, waxaa loo cuskaday eedo la xiriira xeerka is-maan dhaafka dhaliyey ee la dagaalanka argagixisada ee dalka u dhigan.

laakiinse maxkamad federal ah oo sanadkii hore la soo taagay ayaa waxba ku wayday oo amar ku bixisay in la sii daayo.

Tan iyo berigaas wixii ka dambeeyey waxay xirnaayeen saldhig police,markii garyaqaanka dawladu racfaan ka qaatay xukunkii max sare ee anaa in wax dambi ah lagu waayey.

Inkastoo la sii daayey, haddana codsigii garyaqaanka dawladu wali waa taagan yahay.Waxaa ay wajihi karaan eedo la xiriira in ay ka tirsan yihiin koox dalka laga mamnuucay oo la yiraa Ginbot7 oo dawladda Itoobiya u aqoonsatan tahay koox aragiixiso. Ururada u dooda xuquuq insaankuna waxay dawladu ku eedeeyaan in ay xeerka la dagaalanka argixisada ku caburiso mucaaradka, iyo in ay gacan sir ah ku qabatay saxaafadda,dad badan oo mucaraad ah iyo suxufiyiin ayaa xir xiran,qaar naftooda ayey la baxsadeen oo dalka waa ay ka carareen.

Doorashadii u dambeysay xisbiga dalka xukuma ayaa wada helay kuraastii barlamaanka oo aysan mucaraadku ku yeelan cid matasha.