ITOOBIYA: Khasaare ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Masaajid ku Yaala Caasimadda

 

Addis(SLpost)-Qarax khasaare nafeed gaystay ayaa ka dhacay masaajidka ugu wayn magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya,sida uu xaqiijiyay Afhayeen u hadlay xuquumada Itoobiya.

Masaajidkan la qarxiyay oo lagu magacaabo ANWAR kuna yaala badhtamaha magaalada caasimada ah ee Addis Ababa,ayaa wasiirka xidhiidhka Itoobiya Getechew Reda uu sheegay in dhaawacu gaadhayo ugu yaraan 10 qof,halka warar kale oo madax banaani sheegayaan in dhaawacu marayo ugu yaraan 24 dhaawac.

Qaraxan ayaa masaajid ka lala beegsaday wakhtigii salaadii jimce oo saacadu ku beegnayd 1:30 duhurnimo.

Qaraxan ayaa ku soo beegamaya wakhti ay mudaharaado ka socdaan qaybo ka mid ah dalka Itoobiya oo Arayda Oromadu wadaan kagana soo horjeedaan balaadhinta caasimada Addisa Ababa oo dhul deegaan ahaan ay sheeganayaan lagu durkinayo.

Dawlada Itoobiya ayaa sheegtay in qaraxan ciddii ka dambaysay la baadhayo isla markaan dib ay ka soo sheegi doonaan.

Waa markii ugu horeysay ee Caasimadda Addis Ababa qarax noocan oo kale ka dhaco,iyadoo Itoobiya ka mid ahayd dalalka ka badbaaday qaraxyada dalalka jaarkeeda loo gaysanayo.

Somalilandpost.net

Hargaysa,Somaliland