Itoobiya: Dibad-baxyada Ay Dhigayaan Qoomiyadaha Oromada Iyo Amxaarada Oo Sii Xoogaysanaya

Addis-Ababa (SL.Post) Dhawr qof oo kale,  ayaa ku dhintay dalka Itoobiya mudaaharaadyo iyo rabshado la xidhiidha arimaha dhulka.

 

gonderdemo2-225x300

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Shalay ayaa 2 qof lagu dilay magaalada qadiimiga ah ee Gondor. Dhowr qof oo kale ayaa Todobaadkii tagay sidoo kale ku dhintay halkaa kadib rabshado ka dhashay mudaaharaadyo lagaga soo horjeedo dhul ay qawmiyada Amxaaro sheeganayso oo la hoos geeyay maamulka qawmiyada Tigre, heseyeeshee Booliska iyo dibadbaxeyaasha oo iska horyimid ayay labada ruux ku dhinteen.

 

 

 

Shaqaaqooyinka haatan socda ayaa laga baqayaa inay Itoobiya u horseedaan kala jab kusalaysan qabaail iyo deegaan, waxaana Bilo ka hor ay qawmiyada Oromada  dibadbaxyo ka sameeysay kadib markii Booliska iyo dibadbaxayaashu iska horimaadeena tobanaan qof ayaa sidaa ku dhintay.

 

 

 

Raysal-asaaraha Itoobiya Hailemariam Desalagn oo la hadlayay Baarlamaanka dalkiisa ayaa sharci darro ku tilmaamay dibad baxyada, isla markaana aanan dowladda lagaa haysan wax ruqsad ah.

 

 

 

 

Somaliland post. Hargeysa