Israa’iil Oo Goob Kaliya Ku Xasuuqday 500 Qof oo Falastiiniyiin ah 

Ugu Yaraan 500 Qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday, kumanaan kalena way ku dhaawacmeen Duqeymo ay Ciidamada Israa’iil u geysteen Cisbitaalka Al-Ahli oo ku yaala magaalada Gaza, halkaas oo ay ku sugnaayeen kumannaan shacab ah oo lagu dawaynayey iyo qaar kale oo ka dhigtay ay ka galaan weerarrada aan kala joogsi lahayn ee Israa’iil.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay inay ugu yaraan 500 oo qof ku dhinteen weerarka loo geystay cisbitaalka. Sidoo kale, waxa ay wasaaraddu sheegtay inay la duqeeyey Dugsi Waxbaraho oo ay maamusho Qaramada Midoobay.

Weerarka ayaa mideeyey quluubta shacabka Falastiin ee ku kala nool Daanta Galbeed oo ay ka taliso Xukuumadda Xisbiga Fatax iyo Marinka Gaza oo gacanta ugu jira Ururka Xamaas.

Madaxda Reer Galbeedka iyo Dalalka Carabta ayaa cambaareeyey weerarka Israa’iil ku duqeysay Cusbitaalka, waxaanay ku tilmaameen xasuuq axmaqnimo ah oo aan la aqbali Karin.

Ra’iisal-wasaaraha dalka Canada ayaa tallaabo aan la aqbali Karin ku tilmaamay weerarkan.

“Warka Gaza ka soo baxaya waa mid argagax leh oo aan sinaba loo aqbali karin. Waa in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada,” sidaas ayuu yidhi Ra’iisal wasaaruhu, waxaanu intaas ku daray, “Dagaalladu waxay leeyihiin shuruuc u dejisan oo aan laga gudbi Karin, wax la aqbali karo maaha in la duqeeyo cusbitaallada.”

Boqortooyada Sacuudiga ayaa si adag u cambaareysay Dambiga foosha xun ee ay geysteen ciidamada Israa’iil, sida lagu sheegay war-saaxafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Dhanka kale, Boqorka Urdun, ayaa weerarka ku tilmaamay ‘xasuuq’ iyo ‘dambi dagaal’ oo aan qofna ka aamusi karin.