Ismaaciil Buubaa Oo Ka Digay Dib U Dhac Mar Kale Ku Yimaada Doorashada Madaxtooyada

Hargeysa (SL.Post) Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, isla markaana ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa ka digay dib u dhac ku yimaada Doorashada Madaxtooyada, waxaanu sheegay in haddii Doorashadani dib u dhacdo in magacii iyo sumcadii Somaliland beesha Caalamka ku lahayd inuu meesha ka baxayo.

img_bedbb1-d98249-4cb19c-329cbb-a5f047-4fae1e

Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay waxa uu yidhi ,  “Doorashada Madaxtooyada dhawr bilood baa inaga xiga, waxaana loo cayimay in bisha Saddexaad ee Sannadka dambe dhacdo, halka Doorashadii Barlamaanku dib u dhacday, dib u dhaca ku yimid Doorashada Barlamaankana waynu ka war qabnaa heerka uu inaga istaagay Caalamku, markaas waxa xaqiiqo ah oo aan la dafiri karin in haddii Doorashada Madaxtooyadu dib u dhacdo mar kale in magaca xumo iyo kalsooni daro ay ku keenayso Somaliland, oo Beesha Caalamkuna inaga aamin baxayso, oo waxa imanaysa in xidhiidhkii aynu la leenahay Caalamku uu meesha ka baxayo, waxaana markaas la inoo arki doonaa inaynu nahay dal Dimuqraadiyada ka been sheegaya, oo nidaamkii dawlidnimo ee aynu ku faanaynay iyo Ictiraafkii aynu Beesha Caalamka ka rabnayna inay noqayaan hal bacaad lagu lisay”.

Siyaasi Ismaaciil Buubaa mar uu baaq u diraayey Komishanka Doorashooyinka, Xukuumadda iyo Guurtida ayaa yidhi “Waajib iyo xil baa saaran Komishanka Doorashooyinka, ilaa haddana si fiican bay u gudanayaan xilkooda loo igmaday,Diiwaangelintiina waa tii dhammaatay, markaas waxaan Komishanka farayaa oo aan ugu baaqayaa inay dadaal dheeraad ah iyo xilkasnimo muujiyaan, kuna dadaalan in Doorashada Madaxtooyada  wakhtigeeda ku qabtaan, si aanay dib uga dhicin, Xukuumaddana waxaan leeyahay iska daaya cago jiidka, oo idinkuna ka guta waajibkiina iyo doorka aad ku leedihiin Doorashada, si ay inoogu dhacdo Doorasho xor iyo xalaal ahi, si aynu uga badbaadno meeshana uga baxdo muddo kordhin dambe, Guurtidana waxaan leeyahay muddo kordhin dambe ha sameeynina”.

 

Somalilandpost.net