“Isla Weynaantii Iyo Dhaqankii Reer Guuraaga Ayaa La Wada Oo, Weli Hagaysa Siyaasiinta Soomaalida” Prof: Gees

Qeybtii 3aad Ee Qormada Nolol La Xusuusto & Siciid Maxamed Gees

“1977-kii  ayaa Dawladdii Soofiyeetku   uga dhigtay Siyaad Barre Inuu ku duulo Itoobiya [Laakiin]  Dheg looma dhigin, Wixii ka dhacayna waa la ogaa Oo Waatii afka ciidda loo daray ciidammadii Soomaaliya”

prof-gees

(SL.Post) Waxa la ii doortay Guddoomiyihii Guddiga Shaqaalaha Caafimaadka. Beelaysiga waxa la isku khuukhiyaa inta aan la is-dhexgelin ee aan la is-baran, balse mar haddii la is-dhexgallo oo gacanta shaqo la wada geliyo waa sida Carabtu tidhaahdo waxa la noqdaa “Ceysh waa milix.” Waa dad aan kala maarmin, qofkii karti leh waa muuqdaa, aniguna waxa aannu ku qancinay Maamulkii Caafimaadka ahaa ee Khawaajaha, dacwado iyo dood badan ka dib in tababar joogto ah la siiyo shaqaalaha si kor loogu qaado aqoontooda, ka dibna imtixaan, dalacsiin iyo mushahar kordhin loo sameeyo ciddii ku gudubta imtixaanka.

Arrintaas oo guul u noqotay shaqaalihii oo dedaalkoodii iyo wax qabadkoodii kor-u-qaaday. Waa sida qudha ee lagu horumariyo caddaaladda shaqaalaha dhexdooda ee lagaga hortago beelaysiga, qof jeclaysiga iyo maamul-xummadda.

Maamulkii Isticmaarka ahaa ee Maxmiyaddu waxa abuuray shir sannadle ah, oo uu ku magacaabay Somaliland Protectorate Advisory Council (Guddiga Wada-tashiga ee Maxmiyadda Somaliland). Waxa shirka sanadlaha ah ka soo qaybgeli jiray ergooyin ka kala socda: Madax-dhaqameedka, Odayaasha, Urrurada Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo Madaxda Waaxaha Maamulka Maxmiyadda, aniguna waxa aan ka mid noqday ergadii shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka qaybgashay shirkii 1951 ee wada-tashiga.

Shirka waxa soo abaabuli jirtay xukuumadda, xubnaha ka qaybgeliya shirku waxay soo horumarin jireen qodobadda ay rabaan inay ka hadlaan oo ka koobnaan jiray: arrimo u baahan in laga dooddu iyo weydiimo la warsado xukuumadda oo ay ka jawaabayso.

Odayaasha Soomaalidu lama gabban jirin hadalkooda marka laga dooddayo arrimaha dalka; waxay ula dooddi jireen Khawaajaha sida laba Oday oo geed hoostii ku garamaya, si habrasho la’aan ah iyo isu-kalsooni dheeraad ah.

Haddaba, waxa xusid leh dood dhexmartay Oday Madax-dhaqameed ah oo la odhan jiray Maax Dugsiiye oo reer Boorame ahaa iyo Khawaaje ka tirsanaana Maamulka Maxmiyadda ee Ingiriiska ahaa. Doodaas oo aan goobjoog u ahaa oo sidan u dhacday:

Maax Dugsiiye: “Dawladdu wax la taaban karo oo horumar ah ma ka qabanin dalka ilaa maantadaa la joogo.”

Sarkaalkii: “Dawladda Ingiriisku khasaare ayey ku qabtaa joogitaanka dalkiina oo lacagta caashuurta ah ee laga qaado dadka Ingiriiska ayaa ku baxda dalkiina oo la geliyaa.”

Maax Dugsiiye: “Dalka waxa noo yimaadda Carab ganacsato ah, macdaaro (Dukaamo) ayey furtaan, cunto maalmeed ayey xaasaska ka iibiyaan, lacagta ayey ka macaashaan waxay u diraan dalkooda. Haddiise ay ku khasaaraan way iskaga dhoofaan oo ku noqdaan dalkoodii. Marka haddaad ku khasaarteen dalkayaga maad iskaga dhooftaan, maxaa idin dhigay?”

Khawaajihii hadal aannu filanayn ayaa ku dhacay wax uu ku jawaabo ayuu garan waayey, deeto af–kala– qaad ayaa ku dhacday; isaga oo cadhaysan ayuu ku dhawaaqay Sarkaalkii: “Shirku waa xidhan yahay.”

Waxa kale oo jira sheekooyin kale oo aan soo xigtay, balse goobjoog u ahayn oo ka warramaya doodo ka dhex-dhacday Odayaal Soomaaliyeed iyo Khawaajayaashii Maxmiyadda Somaliland maamulayey: Oday la odhan jiray Cali Ciiro oo Reer Ceerigaabo ahaa, ayaa shirkan sannadlaha ahaa doodi ka dhex-dhacday isaga iyo Sarkiil ka tirsan maamulka. Sarkaalkii ayaa xanaaqay oo yidhi; “Shirka waa xidhayaa.”

Oday Cali Ciiro: “Saab, su’aal ma idinka ayaa nal joogaa, mise annaga ayaa idinla joogna?”

Sarkaalkii waa ku adkaatay jawaabtii, dabadeed Badhasaabkii ayuu weydiiyey waxa uu ku jawaabi lahaa. Badhsaabkii waxa uu ugu soo jawaabay; “Inuu shirka ka yidhaahdo annaga ayaa idinla joogna.”

Sarkaalkii: “Annaga ayaa idinla joogna.”

Oday Cali Ciiro: “Marka marti ayaad tihiin, oo shirka ma xidhi kartid.” Sidii ayaa shirkii ku sii socday.

Waxa kale oo la sheegay in wefdi Odayaal Somaliland ah la geeyey London, si loo soo daawadsiiyo . Waxa waday nin Ingiriis ah oo Af-soomaaliga ku hadli jiray oo Soomaalidu odhan jirtay “Sheeri.” Markii la daawadsiinayey magaalada London ee Webiga weyn ee Teemis (Thames) uu dhexmaro ee buundooyinka badan ee waaweyni ku yaaliin; ayaa Oday Jaambiir Kaahin oo reer Hargeysa ahaa, weydiiyay Khawaajihii Sheeri: “Buundooyinkan (Bridges) ma waxa idiin sameeyey Maraykanka?”

Sheeri ayaa isaga oo xanaaqsan ugu jawaabay Jaambiir Kaahin “Mayee, annaga ayaa samaysanay.”

Jaambiir Kaahin ayaa ku celiyey: “Alla Ingiriisku xaasidsanaa, oo maad dooxa Hargeysa hal buundo nooga samaysaan?” Sidaas ayey ula doodi jireen Odayaasha Soomaalidu Khawaajayaasha.

Nolosha reer guuraanimada ah ee qof waliba uu Boqorka isu yahay ee xukun dhexe iyo cid amar laga qaataa aanay jirin, ayaa abuurtay dhaqankaa habrasho la’aanta ah ee nin waliba uu kaskiisa hadlo isaga oo cidna u habranayn. Taasi waxay dib ku noqotay sidii dawlad dhexe oo amar iyo kala dembayn iyo ku dhaqan xukun sharci loo samayn lahaa.

Waxa kale oo dhaqankaasi dhaawacay xidhiidhkii Caalamka lala yeelan lahaa. Dawladuhu waxay isugu habradaan oo isku tixgeliyaan awood dhaqaale, awood ciidan iyo awood siyaasadeed. Sidaas ayaa loo wada dhaqmaa, ma aha laba Oday oo garamaya oo geed hoostii doonyeystay oo isku mid ah.

Jamhuuriyaddii Somaaliyeed oo saddex sanno keliya jirtay ayaa 1963 xidhiidhka u jartay Dawladdii Boqortooyada Midawday (United Kingdom ) ee guunka ahayd ee shanta dawladood ee dunida ugu awoodda badan ka midka ahayd; markii Aftigii Soomaalida Waqooyiga Kenya (NFD) laga qaaday ee 87% ay u codeeyeen inay ku soo biiraan Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ay dawladda Boqortooyada Midawday (United kingdom) oo qabatay aftida ay haddana dhegaha xidhatay oo u daysay gobalkaasi inuu ka sii mid ahaado dalka Kenya oo ay ku lahayd dano siyaasadeed.

Sannadkii 1977 ayaa Dawladdii Soofiyeetka ee Shuuciga ahayd uga dhigtay Siyaad Barre iyo dawladdiisii inaanay ku duulin dalka Itoobiya. Dheg looma dhigin amarkii dawladdii labaad ee dunida ugu awoodda weynayd iyo xulafadeedii oo waa lagu duulay Itoobiya. Wixii ka dhacay waa la ogaa. Waatii afka ciidda loo daray ciidammadii Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Soomaaliya.

Isla weynaantii ayaa weli la wada,oo dhaqankii reer guuraaga ayaa weli hagaya siyaasiinta Soomaalida.

 

Somalilandpost.net