Isku Soo Bixi Ugu Weynaa Ee Lagu Taageero Musharaxnimada Madaxweynaha Ee Wasiirrada Maaliyadda Iyo Arrimaha Dibadda Oo Hargeysa Ka Dhacay & Miisaanka Weedhihii Madax-dhaqameedka

Hargeysa (SLpost) – Isku soo baxii ugu weynaa ee lagu taageero Musharaxnimada Madaxwayne ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed, ayaa maanta lagu qabtey Hotel Maansoor, waxaana xafladdaasi ka soo qayb-galay dad ku dhow Toban kun oo Qof (10,000 Qof) Kuwaasi oo si weyn u taageeray Musharaxnimada Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis.

Munaasibadan oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxa haldalo ka jeediyey Salaadiin, Aqoonyahano, Siyaasiyiin, madaxdhaqameed, iyo inta badan hal-doorka beesha Sacad Muuse ee taageersan in Musharixiinta beeshu ku kala calaf qaadaan Shirka Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, isla-markaana ka soo horjeeda go’aan beesha kala jabiyey oo garab ka mid ah guddida horumarinta Sacad Muuse ku sheegeen in Muuse Biixi yahay Musharaxa Madaxwayanah ee Mustaqbalka.

SONY DSCMunaasibaddaasi oo ay sidoo kale barbar socotay qado-sharaf loo sameeyay dadka taageerayey Musharnimada Labada Wasiir, ayaa waxa hadallo ka jeediyay ilaa 17 Suldaan iyo tiro intaa ka badan oo ka mid ah cuqaasha beesha Sacad Muuse, waxayna dhammaantood halkaasi ka sheegeen inay ka xun yihiin in go’aan aan la isku raacsanayn ay soo saaraan xubno ka mid ah Guddidii loo doortay horumarinta beesha, kuwaasi oo si badheedh ah u faro-geliyey siyaasadda beesha dhex taalla

Suldaan Jaamac Cismaan Aaden, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Shirkan waxaan ILAAHAY ka baryayayaa inuu noqdo kii guul lagu gaadho oo reerka mideeya khilaafkana ka saara, Sacad Muuse ILAAHAY faro ayuu siiyay dhulna wuu leeyahay, haddana meel bay wax si ka yihiin, tawfiiq la’aan ayaa jirta. Waxaan leeyahay kala qeybsanaanta midnimadda ayaa ka wanaagsan waa inaynu ku dedaalaa in la isa saamaxo oo laga shaqeeyo midnimada reerka. Inamadan siyaasiyiinta ah ee reerku runtii waa inamo wanaagsan waana iskugu keen mid. Waxaan leeyahay horumar iyo midnimo haddii la doonayo waa inay iyagu siyaasiyiintani kulmaan oo heshiiyaan, dawladdana wax bay qabatay oo cid lagu doorsanayaa ma jirto” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Waanu ognahay halkii ay dawladnimada ka qaaday iyo halka ay gaadhsiisay, guusha u weyn ee ay gaadhay waa lacagtii oo ay dalka wada gaadhsiisay oo ay ka bedashay lacagtii giimbaarta ahayd. Cidii indho fayow ku eegtaaba way arkaysaa wax-qabadka dawladda. Waxaanu leenahay dawladda wax ka qabta khilaafka beesha Sacad Muuse haddii kale xisbiga KULMIYE wuu ku baabayaa.”

Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Nuur, ayaa isaguna yidhi “Guddida horumarinta Sacad Muuse oo markii la aasaasey qaatey duco aad u badan, ayaa maanta rag ka mid ahi khilaafkii dib u soo celiyey oo halkii dib uga bilaabay, salaadiina way ku taageereena waynu maqleynaa. Anigu waxaan ka hadlayaa salaadiintaa la leeyahay waxay raggaa ku taageereen khilaafka, waxaan leeyahay ninka Suldaanka guud sheeganaya ma cid buu kalsooni siin karaa, haddii aanay agtiisa joogin shan Caaqil oo isaga horta kalsooni siiya, markaa anigu waxaan leeyahay Suldaanka guud kalsooni ma haysto, salaadiinta kale ee reer Hargeysa ee taageeray go’aankaasi qaladka ahaa, waxaan leeyahay waxaad tihiin DHIDAR uuro kiciyey uun, ee waxa wanaagsan inaad wax hubsataan. Waxa la isku raacsan yahay ayaa la taageeraa, haddii aanad marka horeba ka mid ahayn kuwa khilaafka horseedaya, haddii kale Suldaan ma tihid, waxaad taageertayna wax jira maaha, Salaadiintaasi oo dhamina waxay samaysmeen markay arkeen inaydaan reerka isku wadi kareyn, ayuu reer walba Suldaan gaar ah samaystay. Waxaanu is lahayn waxaad doorateen Madaxwaynihii ugu wanaagsanaa, wax badan oo uu qabteyna waanu arkaynaa, laakiin siyaasaddii ayaa la qaloociyey oo dadkii la yidhi dadka ha isku wadaan ayaa reero banaanka ula baxay oo yidhi hala I doorto, annagaaba haddii aanu siyaasadda gello Madaxweynaha u kordhin lahayn shan sanadoode, imika waxa la qaloociyey siyaasaddii”

SONY DSCSuldaan Xuseen Ismaaciil Geelle, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Beesha Sacad Muuse, ayaa isaguna sheegay “Guddidaa inta siyaasadda ku milantey ee maanta reerkii kala jabisay ee waxaan jirin ku dhawaaqeysa, waxaan leeyahay raas weliba shaqsiga kaga jira ha soo beddelo, aniga way igaga jiraan oo imika laga bilaabo waan beddelayaa, dad kalena waxaan ka codsanayaa inay soo beddeshaan, maadaama oo raggaasi ay halkaa beddel ku yihiin oo ay shaqadoodii gabeen oo ay halkoodaa ku casilmeen” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Suldaanka yidhi waxaan ahay Suldaankii guud ee (Subeer Awal) ee saddexdii Inan kala godobsadey, ee saddexdii inan ee isku abtirsiinta ahaa raacey kii ay habeen is-xigeen, kaasina wuu ka dhacay Suldaannimadiiye yaan dib Suldaan loogu sheegin. Waayo saddexda inanba way isku abtirsiin xigeen, haddana Suldaanku wuxuu raacay kii ay habeen iska xigeen, markaa Suldaannimadii way dhimatay, saldanaddeenii dahabka ahaydna Maar buu ka dhigay maanta”

Suldaanku waxa kale oo uu ka hadlay hadal ka soo yeedhay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxaanu yidhi “Salaadiinta kale ee aan reerka ahayn ee taladii Sacad Muuse (Soo Faro-geliyey) ee is leh Sacad Muuse wuu jabayaa waxaan leeyahay ma jabayo oo waanu tashaneynaa, kuwa Sacad Muuse ee ku farxayana waxaan leeyahay xifiltanku wuu dhacaa oo raggu meel ay joogaanba waa QOODH intaa way hirdamayaan, waanuna toosineynaa arrinkayaga, waayo waxa la yidhi GOBTO way liicdaa, laakiin ma jabto. Raggu markay wax dhacaan ayay si wanaagsan u tashadaan, sidaa daraadeed xifiltankan yar waanu ka tashaneynaa”

Suldaanka oo sii hadlaya ayaa sidoo kale sheegay “Suldaanka reer Somaliland ee leh waxaan taabacay Shirka Sacad Muuse, waxaan leeyahay waxaad kala garan weyday Ciidagale iyo Sacad Muuse, waxaad noogu soo wareegtaana waa xasarad. Ciidagale wuxuu leeyahay xisbi, markaa Suldaan Maxamadow waxa hiil, hoo iyo talaba u baahan Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha UCID, wuxuu yidhi maba lulatee maxay leeftaa, waar kaa u tali. Sacad Muuse waxaan leeyahay tan ku kala tagi mayno oo waa la tashanayaa, wax doorasho ahina ma jirto”ayuu yidhi.

Munaasibaddaasi oo sidoo kale uu ka hadlay Suldaan Xuseen Muuse Cirday, ayaa isaguna waxa kalmado muhiim ah ka yidhi Caaqil Cabdillaahi Qalinle, waxaanu tilmaamay “Sacad Muuse wuxuu guddida u doortay inaanu siyaasad gelin ee uu horumarin ka sameeyo halka beeshu ka liiceyso, waxaana lagu alkumay inay siyaasad dibadda ka yihiin. Laakiin qolada ka baydhay ujeeddadii loo sameeyay waxaanu leenahay waad dunteen, Sacad Muuse-na intaa ka soo hadhay wuxuu ku biiranayo haku biirayo , waayo waad dunteen haddaad guddoomiye lahaydeen iyo haddii aad xubno lahaydeenba, cid aad wax jeebka ugu haysaan oo aad siisaneysaana ma jirto, dadka waxaad u hayso ayaa la yidhaahdaa hebel baan siiyey, laakiin haddii aanad haynba maxaad hebel siin…”ayuu yidhi.

SONY DSCXafladdan oo ahayd mid la isku arkay isla-markaana muddo dheer socotay ayaa waxa kale oo uu ka hadlay Caaqil Axmed Cabdillaahi Weerar oo sheegay “Waxaan leeyahay Suldaannimadu waxay ku qurux badan tahay oo ay asluub ku leedahay in aan la deg-degin, waxay ahayd haddii arrinka la isku qabtey in dib loo dhigo oo la isla eego, laakiin waxaan leeyahay ILAAHAY waxaa ha inooga dhigo Nabar gardaro..”

Caaqil Cabdi Aw Cumar, ayaa isaguna aad u dhaliilay Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal “Salaadiinta meesha cidlada ah ku maydhmay may ahayn guddida (Horumarinta), ogolaansho nagamey haysan Cuqaal ahaan, ummadda Sacad Muuse-na ogolaansho kamay haysanin, markaa Salaadiintaa taageeray nimankaa waddada ka leexday iyagaa dhaawacaa isku geystay. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland hal baan leeyahay, innadeenna Musharixiinta ahna midbaa leeyahay, Madaxwayne innamadan mid walba yidhi Musharax baan ahay, haddii aad mid walba dhabarka ka taabatey ma geynno ee innamada meel wax ugu wada sheeg. Innamadana waxaan leeyahay kama caqli liidataan saddexdii nin ee walaalaha ah ee Geel jira ahaa ee meel wax ku wada cunayey”ayuu yidhi.

Caaqil Cabdiraxmaan Cismaan Aw Xereeye, ayaa isaguna sheegay in Musharaxa KULMIYE aanay dooran Karin beel kali ahi “Ninka Madaxwayne noqonaya beel ma doorato ee ummadaa doorata, umaduna waxay ku dhan tahay Golaha dhexe ee xisbiga, halkaas ayay reer Somaliland ku dhan yihiin, iyaga ayaana dooran doona wakhtigeeda ninka ay xushaan…”ayuu yidhi.

Gabogabadii waxa halkaasi ka hadlay isla-markaana xafladdaasi soo afmeeray Suldaan Axmed-Nuur Cabdillaahi Samaale, waxaanu sheegay inuu aad uga xun yahay in Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdillaahi uu kala dhaweysto Musharixiinta beesha Sacad Muuse ee uu suldaanka u yahay.

Suldaan Axmed-nuur, waxa uu ka sheekeeyay taariikh dheer oo la xidhiidha wakhtigii Suldaan Xasan uu walaalkii Suldaan Cabdirisaaq ku sii wareejinayey Suldaannimada, wakhtigaasi oo uu tilmaamay in Salaadiintii Subeer Awal ee xafladda caleemo saarka loogu yeedhay ay dhammaantood ka dareereen, iyaga oo diidan in Xasan loo sii wakiisho masuuliyadda Saldanadda guud ee Subeer Awal.

Suldaan Axmed Nuur oo ugu horeyn ka hadlaya gefka ay sameeyeen qayb ka mid ah guddida horumarinta Sacad Muuse ee go’aanka ay Muuse Biixi ugu doorteen Musharaxa Madaxwaynuhu uu khilaafka ka dhex abuuray beesha Sacad Muuse, ayaa yidhi “Dadweynaha waanu ka tacsiyadeynaynaa qaybtaa ka midka ah guddida horumarinta Sacad Muuse ee qaldantey ee gashay Siyaasaddii laga xaaraantimeeyay, waxaad gasheen waxaan la idiin darin oo eex baad gasheen o kitaabkii aad ku dhaarateen waad beeniseen, sidaa daraadeed maanta laga bilaabo waa beddel haddii ILAAHAY yidhaahdo, waxaana lagu beddelayaa kuwo xalaala oo la mid ah kuwaa ka hadhay ee ku adkaadey wixii Sacad Muuse kula dardaarmay ee tixgeliyey Kitaabkii ILAAHAY ee ay ku dhaarteen”

Suldaan Axmed Nuur Cabdillaahi Samaale, waxa kale oo uu ka hadlay “Salaadiinta taageertay go’aanka qaladka ah ee ay soo saareen guddidaasi, waxaan leeyahay walaalayaal waxay ahayd oo loo doortay Salaadiinta inay saxaan wixii qaladaad ah ee beesha ka yimaadda, laakiin halkii aad qaladka ka sixi lahaydeen ayaad qalad raacdeen, taasina idinka ayay idiin taallaa, waana wax la idinkala xisaabtami doono Maalinta QIYAAMAHA” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi, waxaan leeyahay adeer Suldaan Guud ma tihid, Suldaan gaarna ma tihid oo ku sime ayaad tahay, Suldaanka guud ee Cabdirisaaq Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, adeer waxaan ku leeyahay Saldannadu waxay ahayd Saldanad qaaliya, maantana waa qaali, haddeyse sidaa qaali u ahayd inaad sidaa u silciso alleylehe ma ahayn. Adeer Saldannaddii qaaliga ahayd ee aan weligeed reerkeeda qaybin ee aan iska horkeenin ama aan qayb raacin, adeer waddo aan tii ahayn ayaad marisay, adeer waad dishay Saldanaddii, laakiin intaa ku dhiman mayso oo kii lahaa Suldaannimada ayaa nool, waanu imanayaa Suldaan Cabdirisaaq”

Suldaan Axmed-nuur Cabdillaahi Samaale, waxa kale oo uu sheegay “Xasanow, waynu is ogeyn, maalintii walaalkaa Suldaan Cabdirisaaq yimid ee uu kugu wareejinayey (Suldaanimada) waxa uu u yeedhay 7 suldaan oo Subeer AWAL ah, ILAAHAY been u sheegi maayee maalintaa aniga mooyaane lixdii Suldaan ee kale way ku dideen, waxayna yidhaahdeen caqbali mayno Saldanad dambe oo Ergiso ah’e Cabdirisaaqow ama u joog ama ka soco, horta anigaa cuqubadaa gelaye, lixdii Suldaan waxaan ku qanciyey, waar laba Suldaan oo ilma Suldaan Diiriye ah ayaa meeshan galiye, maxaad ku diidaysaan kan (Suldaan Xasan) ayaaba ina Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan ah’e. waar nabsi lama gelayo’e ka daaya ayaan ku idhi. Sidaa daraadeed maanta ninka Sacad Muuse haystaa waa aniga, waayo ninka ku sharciyeeyay ee lixdii Suldaan ee Subeer AWAL kaa qabtey aniga ayuu ahaa, markaa Subeer AWAL iyo Sacad Muuse oo kaliya maad dhaawicin ee aniga Axmed ahaanna dhaawac baa si gaar ah ii soo gaadhay. Waayo Saldannadu waxay ahayd Subeer AWAL, Sacad Muuse waad ka soo rartay, Xuseen Abakor ayaad ka soo rartay oo Siciid Ismaaciil baad noqotay, halkaas ayaad maanta mareysaa”

Suldaanka oo sii hadlaya ayaa sheegay “Maanta waxaanu farriin u direynaa Suldaan Cabdirisaaq (Suldaan Xasan walaalkii), waxaanu leenahay Suldaan Cabdirisaaqow hore u soo carar way dhimatay Saldanaddiiye, waayo ninkii wuxuu kala raray Subeer AWAL, wuxuu kala raray Sacad Muuse, adeer haddaad sidaasi raali ku tahayna iska maqnow, haddii kalena kaalay”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Waxaan leeyahay dadweynaha reer Somaliland iyo xisbiga KULMIYE-ba raali ahaada, waayo xisbiga KULMIYE malaha Sacad Muuse, Somaliland reer aan ku jirina ma jiro. Somalilandneey qaladka ka yimid in naga mid ah yaan Sacad Muuse wax loogu qabanin, ceebtaana yaan laga dhigin mid Sacad Muuse leeyahay, waayo waxay ka timid in yar oo caqli (Yar)….sidaana raali ku ahaada. Madaxwaynahana waxaan leeyahay adeerow arrinkaa haka dhigin arrin Sacad Muuse u dhan yahay oo naga raali ahow, doorashadaada dambana sidaanu tii hore gacanta kuugu siinay ayaanu ta dambena kuu siinaynaa, waayo dalkii, dawladnimadii iyo Diintiiba wax baad u qabatey.”

SOMALILANDPOST.NET