Iska Horimaad Khasaare Nafeed Sababay Oo Ka Dhacay Buuhoodle 

 

Buuhoodle (Slpost) Wararka laga helayo  Magaalada Buuhoodle,  ayaa sheegaya  inuu iska hor imaad dagaal ah uu ku dhex maray magaalada Buuhoodle laba kooxood oo kala taageersan ganacsatada jaadka keenta magaalada Buuhoodle oo maalmihii u danbeyey khilaaf xoogani dhex yaalay.

breaking_news-1

 

 

 

 

 

 

Waxaan iska hor imaadkan dhex maray labada kooxod uu sababay khasaaraha dhimashada hal qof halka mid kalena ku dhaawacmay.

 

 

Wali ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxaya khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaa dhex maray labada kooxood ee kala taageersan ganacsatada keenta jaadka.

 

 

Somalilandpost.