Iska Horimaad Hubaysan Oo Ka Dhacay Sheekh Iyo Hal Askari oo Ku Dhaawacmay

Sheekh(SLpost)-Iska horimaad hubaysan oo booliska iyo koox dablay ah oo hubaysan ku dhex maray duleedka bari ee magaalada Sheekh ayaa uu ku dhaawacmay hal qof oo ka tirsan ciidanka booliska.

Iska horimaadka ayaa ku biwday kadib markii dhul laga siiyay bariga magaalada nin carab ah ay dad dhulkaas sheeganayay hor istaageen, waxaana lagu soo warmayaa in golaha deegaanka ee degmadaasi uu siiyay ninkaas carabka ah dhulka uu dagay.

Iska horimaadka ayaa haatan taagan, inkasta oo aan wali xal buuxa loo helin dhulkaas haatan laysku haysto ee duleedka sheekh, Sheekh ayuu hore u deganaa nin carab ah oo laga siiyay dhul baaxad leh kaas oo halkaas ka dhistay guri uu u soo nasasho tago, waxaanu dadka magaalada badalkeeda u dhisay cisbitaalka guud ee magaaladaas iyo waliba waxyaabo kale.