Isbeddel lagu sameeyey Nidaamka Lacagaha lagu Qaado Madaarka Hargeysa

– Qof Kasta oo Sita baasaboor Ajaanib ah waxa la qaadayaa 73 Dollar

Hargeysa (SLpost)- Maamulaha Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal Mr Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa shaaciyey isbeddel ballaadhan oo lagu sameeyey nidaamka cashuur qabashada ee Madaarka Cigaal, iyada oo isbeddelkan oo ka shidaal-qaadanaya digreeto madaxweyne uu hirgelayo sannadkan cusub ee bilowga ah.

Maamulaha Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa waxa uu sheegay in la mideeyey cashuuro iyo lacago adeegga Madaarka ah oo laga qaado dadka Rakaabka ee ka soo dega iyo kuwa ka dhoofa madaarka, waxaana lacagahan loo kala saaray Cashuurta Visa-ha ee laga qaado Qofka marka uu Madaarka ka soo degayo iyo marka uu madaarka ka dhoofayo oo la mideeyey iyo Lacagaha Takaaliifta Ammaanka iyo adeegga Madaarka oo qofka laga qaadayo Marka uu Madaarka ka dhoofayo.

qaQof kasta oo sita Baasaaboor Ajaanib ah oo ka soo dega Madaarka Hargeysa oo Awal laga Qaadi jiray 30 Dollar, marka uu dhoofayana laga qaadi jiray 30 Dollar,  waxa uu isbeddelkan Cusub jidaynayaa in qofka laga qaado 60 Dollar marka uu Madaarka ka soo dego. Halka Qofka Sita Baasaaboorka Somaliland laga qaadayo 10 Dollar, Sida uu sharraxay Maamulaha Madaarka oo maanta warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa. Sidoo kale waxa uu nidaamkani sharciyeynayaa in qofka la qaadayo 10 Dollar oo Ammaanka ah iyo 3 Dollar oo adeegga Madaarka ah marka uu dalka ka dhoofayo. Waxaanay lacagahaasi oo Qofku kala bixinayo laba jeer marka laysku geeyo ay noqonayaan 73 Dollar, taas oo ku kooban Qofka Sita Baasaaboor Ajaanib ah.

Maamulaha Madaarka oo Sharraxayay qorshahan, waxa uu yidhi,“Isbeddelka aanu samaynay ee bishan koowaad hirgalay, waxa Digreeto uu fulinteeda uu ku amrayo ka soo saaray Madaxweynaha Somaliland, iyo Wasiirka maaliyada, waxana la faray dhammaan hay’adda ay khusayso inay nidaamka cusub ee wasaaradda duulistu soo dajisay la raaco. Haddii aan sharxo nidaamka cusub ee aanu bilownay, waxa weeye waxa markii hore qofku marka uu soo dego laga qaadi jiray lacag cashuur ah, marka uu dhoofayana sidoo kale, qaabkaasi dadku in badan ayey dhibsadeen, dunida mar kaliya ayaa cashuurka laga qaada qofku marka uu dal galayo, dadkuna taas ayey noo sooo jeediyeen markaas Xukuumadduna waxay go’aansatay in la mideeyo cashuurahaas, oo marka uu soo dago hal mar laga qaado cashuurtii Wasaaradda maaliyadu qaban jirtay, oo laysku daray oo ah Lixdan Dollar (60$), halka markii hore marka uu soo dago Soddon doolar (30$) laga qaadi jiray, marka uu dhoofanaya Sodon kale Doolar (30$) laga qaadi jiray, imika hal mar ayaa laga qaadanayaa, lacagtan oo laga qaadayo dadka sita baasaaboorada ajinabiga ah, waxa la yidhaa (Visa Entry), hadday doonaan Somaliland-ba ha u dhashaane, lacagtaasi waa kharasha dal ku galka loo yaqaan, sidoo kalena waxaan xusayaa in Dadka sita baasaaboorka Somaliland in 10$ laga qaadayo.”

Mudane Maxamed Yuusuf Ismaaciil waxa kale oo uu ka hadlay sida uu isbeddelkani u saamaynayo Lacago laga qaadi jiray Dadka Marka ay madaarka ka dhoofayaan, waxaanu yidhi, “ Waxa kale oo jiray lacagayow kale, oo sharciya iyaguna oo ay Wasaaradda duulistu qaadi jirtay, oo ah Sadex doolar oo adeeg ah oo qofka marka uu dhoofaya iyo marka uu soo dagayo laga qaadi jiray iyo toban dollar oo ammaanka ah oo uu jideeyey xeerkii Baarlamaanku ansixiyey ee Tacaariifta Madaaradda dalka, labadaas lacagayowna waanu midaynay, waxa aanu samaynay in lagu qaado nidaamka Tigidhada oo lacagtaas waxa qabanaya shirkadaha diyaaradaha, qofkuna marka uu tigidhka soo goosanayo ayaa laga qaadayaa, taasina waxay meesha ka saaraysaa in qofka dhoofayaa uu lacag u soo qaato madaarka sidii hore u dhici jirtay, wax lacag ah oo qofka dhoofaya laga doonayaa ma jirto, sida nidaamka caalamka ah ayuu duulimaadkiisa ugu gudbayaa.”

Maamulaha Cigaal ayaa sidoo kalena intaasi ku daray, “Waxa kale oo xusid mudan in dadkii dalka yimid wixii ka horeeyey 2015-ka, ee lacagtaasi laga doonayey aan laga qaadin ee Soddonka Dollar uun bixiyey, ee madaarka ka soo dagay sanadkii tagay ee 2014-ka, iyagana waxaanu u samaynay, laba bilood oo wakhtiga kala guurka ah, waxana ay Wasaaradda Maaliyadu muddadaas ka sii shaqayn doontaa Terminalka laga dhoofa si dadkaas looga qaado cashuurtaas ku dhiman, sidoo kalena waxa ay shirkadaha diyaaradu wakhtigaasi dadkii aan tigidhadooda lagu darin lacagta adeega ah in laga qaado wakhtigaas, qorshahayaguna waxa weeye in Insha Allah, bisha March ee sanadkan aan wax lacag ah lagu qaban qaybta dhoofayaasha ee madaarka.”

Maamulaha Cigaal ayaa sidoo kalena ka hadlay ujeeddada ay ka leeyihiin isbeddaladan waxaanu yidhi, “ Nidaamkaasi waa mid laysla qaatay, waxaanan jecelahay inaan cadeeyo mar kale in aan habayaraatee wax kordhin ah lagu samayn lacagahaas. Dadka waxaanu u sheegaynayaa inay ku soo talo galaan nidaamkaas cusub, hadda wixii ka dambeeya sidaas ayaa loo wadayaa, arrimahan waxaau ugu dan leenahay inaanu sare ugu qaadno tayada iyo adeega Madaarka Cigaal uu bixiyo, sidoo kalena in aanu madaarka ugala mid dhigno garoonada kale ee caalamka.”

Somalilandpost.net