Isbarbardhigga Awoodda Milatari ee Hindiya iyo Shiinaha

Khubarada falanqeeya arrimaha diblomaasiyadda Adduunka ayaa walaac weyn ka muujinaya xiisad kasoo dhex cusboonaatay labada waddan ee Hindiya iyo Shiinaha, kuwaasoo heysta hubka sida ba’an wax u gummaada ee nuclear-ka.

Burco (SLpost) Labada dal waxaa u dhaxeeya murankii ugu waqtiga dheeraa ee dhinaca xadka, waxayna is hor fadhiyaan ku dhawaad nus qarni.

Maalintii Isniinta waxaa xuduudda ka dhacay dagaal u dhaxeeya labada ciidan, kaasoo ay Hindiya sheegtay inay uga dhinteen ugu yaraan 20 askari. Lama oga khasaaraha gaaray dhinaca Shiinaha.

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi oo war soo saaray ayaa wacad ku maray in dalkiisa uu difaacan doono xadkiisa, wax kasta oo ay ku qaadato.

Dhanka kale, dowladda Shiinaha oo markii ugu horreysay maanta ka hadashay dhacdadii Isniinta, ayaa sheegtay in Hindiya ay ka careysiineyso Shiinaha, si ulakac ahna u daandaansaneyso.

Hindiya iyo Shiinaha waa labada waddan ee ugu shacabka badan caalamka.

1.393 billion oo qof ayaa ku nool Shiinaha, sida lagu sheegay tirokoobkii la sameeyay sanadkii 2018-kii, halka Hindiyana isla sannadkaas ay tirada shacabkeeda noqdeen 1.353 billion oo ruux.

Xilligan oo xiisad cusub ay ka soo cusboonaatay labadan dal ee dariska ah, waxaan isbarbar dhig ku sameyneynaa awooddooda dhinaca milatariga.

Qiimeyn uu sameeyay wargeyska businessinsider oo soo xiganaya bogga statista sannadkan 2020-ka ayuu ku sheegay in Shiinaha uu yahay waddanka ugu miltariga badan adduunka, iyadoo ciidamadiisa diyaarka ah ay tiradoodu tahay 2.18 milyan oo askari.

Hindiya ayaa kaalinta labaad ku jirta, halka dalalka kale ee shanta boos ee ugu horreysa buuxinaya ay kala yihiin Mareykanka, Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka.

Bishii October ee sanadkii 2019-kii ayuu Shiinaha sameeyay dhoollatuskii milatari ee ugu dambeeyay.

Waxaa munaasabaddaas lagu soo bandhigay ciidan tiradoodu gaareyso 15,000 oo askari, 580 qalabka milatariga ah iyo 160 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah.

Shiinaha waa waddanka labaad ee dhaqaalaha ugu badan ku bixiya milatariga, isagoo sanadkiiba u adeegsada $261 bilyan oo doolar, halka Hindiya ay ku jirto kaalinta saddexaad, ayna ciidamadeeda ku bixiso kharash dhan $71.1 bilyan oo doolar, sida uu shaaciyay macadka caalamiga ah ee cilmibaarista nabadda ee Stockholm.

Shiinaha waa waddanka saddexaad ee ugu sarreeya dhinaca awoodda diyaaradaha dagaalka, wuxuuna heystaa 3,210 diyaaradood.

Hindiya oo ku jirta kaalinta afaraad waxay heysataa 2,123 diyaaradood.

In muddo ahba Hindiya waxay xoojineysay cududdeeda milatari, iyadoo labo dhinac oo xuduudaheeda ah cadaawad kala wadaagta Shiinaha iyo Pakistan.

Dhinaca taangiyada dagaalka, Hindiya ayaa heysata tiro ka badan tan uu heysto Shiinaha.

Shiinaha ayaa heysta taangiyo tiradoodu gaareyso 3,200, halka ay Hindiya heysato in ka badan 4,200 oo taangi, sida lagu xusay xog uu soo bandhigay bogga isbarbardhigga ku sameeya cududda milatari ee dalalka caalamka ee Global Firepower

Hase yeeshee garaadiga gaashaan ee uu Shiinaha heysto ayaa lagu qiyaasay 33,000, kuwaasoo aad uga badan tirada ay ciidamada Hindiya heystaan oo ah 8,600.

Sida lagu muujiyay xog dhawaan lasoo saaray, Shiinaha ayaa heysta tiro toban laab ku ah qalabka gantaallada lagu rido ee ay heysato Hindiya.

Qalabkaas ayuu Shiinaha ka heystaa 2650, halka Hindiya ay heysato 266 kaliya.

Dhinaca awoodda baddana, Shiinaha ayaa heysta 777 maraakiibta ciidamada badda ee noocyada kala duwan ah, iyadoo Hindiya ay heysato 285.

Shiinaha ayaa heysta 74 markab oo kuwa badda hoosteeda mara ah, kuwaasoo ay Hindiya ka heysato 16. Sidoo kale wuxuu Shiinaha heystaa 36 markab oo kuwa wax burburiya ah, halka ay noocaas Hindiya ka heysato 11.

Somalilandpost.net

Burco