“Is-afgaradka Somaliland wuxuu yimid markii Somalia diidday inay Ethiopia la hadasho” – Abiy Ahmed Oo u quus-gooy Xasan Sheekh

Addis Ababa (SLpost)- Raysal-wasaaraha Dalka Ethiopia, Dr Abiy Ahmed, ayaa nuux-nuuxsaday baahida dalkiisu u qabo inuu helo marin-badeed oo qayb laxaad leh ka qaata horumarka Dhaqaalaha iyo tirada sii kordhaysa ee shacabka Ethiopia.

Raysal-wasaare Abiy Ahmed ka qayb-galay kal-fadhiga 36aad ee baarlamaanka dalka Ethiopia, ayaa arrintan ka hadlay kaddib markii xildhibaannadu su’aalo ka weydiiyeen qodobbo khuseeya siyaasadda Arrimaha Dibadda ee dalkaas.

Waxa uu Raysal-wasaaruhu hoosta ka xariiqay in koboca dhaqaalaha Ethiopia aanu ka marmi Karin marin-badeed oo ay helaan, si hadafkaas loo gaadhana ay xukuumad ahaan ka go’an tahay inay ku baadi doonaan wada-hadal ku salaysan wax-is-dhaafsi iyo faa’ido labada dhinac ah.

Raysal-wasaaraha Ethiopia wuxuu ka hadlay sababtii uu ku yimi heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Somaliland iyo khilaafka siyaasadeed ee xilligan ka dhex-aloosan Soomaaliya.

Waxa uu Raysal-wasaaruhu sheegay heshiiska Somaliland ku yimi kaddib markii Somalia ku gacan-saydhay codsi Ethiopia damaceeda ugu gudbisay.

“Is-afgaradkii aanu la saxeexanay Somaliland waxa uu yimid markii ay Soomaaliya diidday inay Itoobiya la hadasho,” sidaas ayuu yidhi Raysal-wasaare Abiy Ahmed oo xusay in Somaliland noqotay dalka kali ah ee ka soo jawaabay dalab ay rabitaankooda marin-badeed ay helaan ugu gudbiyeen waddamada Gobolka.

Ugu dambayn, waxa uu Raysal-wasaaruhu xusay inaanay waddan diyaar u ahayn inay cid kale ku dhibaateeyaan damacooda marin-badeedka, waxaanu yidhi, sagoo intaas ku daray, “rabitaanka Itoobiya ee Badda ku aaddani waa mid macquula oo aan cidna wax u dhimaynin”.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Dr Abiy Ahmed ayaa u muuqda jawaab uu kaga fal-celinayo xiisadda dublomaasiyeed ee u dhaxaysa Somalia iyo Ethiopia oo toddobaadkan ku kala kacay shir Dowladda Turkigu marti-galisay oo lagu dhex-dhexaadinayey labada waddan.

Sidoo kale, hadalka raysal-wasaare Abiy ayaa falan-qeeyayaasha siyaasaddu ku tilmaameen jawaab u quus-goynaysa hadal uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hore ugu sheegay inay Itoobiya u oggol yihiin dekedo iyo marin-badeedyo uu u soo bandhigay si Ethiopia uga laabato heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net