Ingiriiska Oo Soomaaliya Ciidammo U Diraya

 

London (SLpost)-Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron ayaa xalay ku dhawaaqay in boqolaal askari ay u dirayaan Bariga Afrika, si ay uga qeyb qaataan la dagaalanka xagjirnimada iyo caawinta Ciidamada Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey.

 

Mr Cameron ayaa sheegay in 70 xubnood oo ka tirsan Ciidamada Milateriga ay u dirayaan Soomaaliya, si ay uga caawiyaan Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in saddex boqol askari ay u dirayaan dalka ugu da’da yar Adduunka ee Koofurta Sudan, halkaasoo labadii sano ee u dambeeyay ay dagaalo sokeeye ka dhacayeen.

 

Saraakiisha Xafiiska Ra’iisul Wasaare Cameron ayaa sheegay in doorka ciidamadan aanay noqon doonin dagaalka dhulka ee safka hore, balse ay ku lug lahaan doonaan tababarka iyo taageerida xaga saadka ee Ciidamada Nabad ilaalinta iyo bixinta khibrad Injineernimo.

 

Mr Cameron ayaa difaacay qorshihiisa uu xalay ku dhawaaqay isagoo xusay in ka qayb qaadashada taageerida hawlaha nabad ilaalinta ay ammaan iyo xasilooni ku keeni karto Gobolka, isla markaana ugu dambeyn Britain ka dhigi karta mid ammaan ah, isla markaana hoos u dhigta qul qulka muhaajiriinta imaanaya Yurub.

 

Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa sidoo kale sheegay inay qaadan doonaan taxadar aad u weyn oo ku aadan sidii looga fikiri lahaa ammaanka iyo nabadgelyada Ciidamadan.

 

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Cameron ayaa maanta si rasmi ugu dhawaaqaya qorshihiisan, isagoo garab fadhiya Madaxweynaha Mareykanka Obama iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ee shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ka furmaya New York.