Ingiriiska oo Digniin u jeediyey Dawladda Ethiopia

London (SLpost)- Dawladda Ingiriiska, ayaa Itoobiya kala hadashay isla markaana u jeediysay inay dignoonaan dheeri ka yeeshaan faro-gelin lagu sameeyo xoriyadda iyo bad-baada nolosha hoggaamiyaha mucaaradka ugu tunka weyn Itoobiya oo dhawaan loo gacan-geliyey dalkaas, ka dib markii laga mastaafuriyey dalka Yemen.

Xoghayaha Gargaarka Caalamiga ee Ingiriiska Lynne Featherstone, ayaa xaqiijisay in xukuumadda Itoobiya loo soo gacan-geliyey guddoomiyahii mucaaradka Itoobiya, Andargachew Tsege oo haysata dhalasha dalka Ingiriiska, balse waxa uu ugu baaqay inay inaan lagu fulin xukun dil ah sannadkii hore lagu riday isaga oo dalka dibaddiisa ku maqan.

Andargachew-Tsigie-Xukuumada Ingiriiska waxa ay sheegtay in Mr. Tsege oo haysta dhalashada dalkooda sifo sharci-daro ah lagaga mustaafuriyey dalka Yemen oo looga gudbiyey Itoobiya.

“Waanu kala hadalay xukuumada Itoobiya, walaaca aanu ka qabno muwaadinka Ingiriiska Andargachew Tsege, ee sharci-darada looga soo mustaafuriyey dalka Yemen. Waxaan u sheegnay in loo ogolaado la kulanka, isla markaana naloo ballanqaado inaan xukunkii dilka lagu fulin,” sidaa waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda Ingiriiska.

“Ingiriisku waxay sidoo kale kala hadashay talaabada aan la aqbali Karin ee dalka Yemen ugu gacangeliyey hogaamiyahaa, iyaga oo iska indho-tiray shuruucdii Vienna ee ka hortegayey jidh-dilka,” ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska.

Kiiska Mr Andargachew ayaa la sheegay in xukuumadda Ingiriisku kala hadashay rayasal-wasaare Hailemariam Desalegn oo todobaadkan kulan ku dhex-maray magaalada Hargeysa, Xoghayaha Gar-gaarka Caalamiga ah ee Ingiriiska Lynne Featherstone, in kasta oo aan la shaacin natiijadii ka soo baxday wada-xaajoodka, balse waxa la sheegay in Ingiriisku ka codsaday ballanqaad ah in aanay dawladda Itoobiya ku fulin ninkaas xukun dil ah oo hore loogu xukumay.

Mr Andargachew ayaa xoghaye guud ka ahaa ururka Ginbot 7 oo loo sameeyey doorashooyinkii ka dhacay Itoobiya sannadkii 2007-kii ee khilaafka ka dhex-dhaliyey dalkaas oo sababay bannaan-baxyo lagu xidh-xidhay taageerayaal mucaaradka ka tirsan oo mudaharaadyo ay natiijada doorashada kaga soo horjeedaan ka sameeyey dalkaas, waxaanu hoggaamahani ka mid ahaa siyaasiyiin wakhtigaas xukunno dil ah lagu fuliyey, ka dib markii lagu eedeeyey inay wadeen talaabooyin lagu minjo-xaabinayo xukuumada Itoobiya.