“In Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ay Kala Xadeyso Goobaha Lagu Muransan Yahay, Inay Diiwaan-gelintu Ka Qabsoonto” Guddoomiye Cirro 

Hargeysa (SL.Post) Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI iyo Golaha Wakiillada Somaliland  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sharaxaad ka bixiyay laba qodob oo la iskula qaatay kulan saddex geesood ah oo shalay dhex maray saddexda xisbi qaran, komishanka doorashooyinka iyo wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, kulankaas oo ku saabsanaa xiisada ka dhalatay go’aankii xukuumadda ee ahaa in diiwaangelin laga bilaabo deegaanada Waqooyiga Hargeysa.

images

 

 

Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu sheegay in kulankaas la iskul qaatay laba qodob oo uu nuxurkoodu yahay

 

  1. In wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ay kala xadeyso goobaha lagu muransan yahay in ay diiwaan-gelintu ka qabsoonto.
  2. In Komishanka Doorashooyinka Somaliland na uu diyaariyo siddii uu deegaanaddaas uga qaban lahaa Doorashooyinka soo socda oo idil.

 

Geesta kale Guddoomiyaha xisbiga WADDANI  waxa uu mar kale ku celiyey in ay ka xisbi ahaan weli aaminsan yihiin Mawqifkoodii hore ee ahaa kala xaddeynta goobahaas ka hor inta aan diiwaan-gelinta laga sameynin, la na raaco kala xadeyntii 60kii iyo weliba dastuurka qaranka Somaliland.

 

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa