“In Dadka Suuqa Dhexdiisa lagu garaaco, ayay isla qaadatay Guddiga COVID-19” – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Guddiga heer Qaran ee ka hor-tagga Caabuqa Coronavirus, ahna madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shacabka ku baraarujiyey inay u hoggaansamaan go’aamadii ay hore u soo saareen guddigu si looga hortago cudurka covid-19.

Guddiga Heer Qaran, ayaa go’aamo ay hore u soo saareen ku joojiyey goobaha ay bulshadu isugu timaaddo isla markaana la xidho meherada iyo mafrasyada lagu qayilo.

Madaxweyne ku-xigeenka oo daba-socda go’aamadaas, ayaa maanta sheegay in haddii shacabku u hoggaansami waayaan go’aamadaas, ay guddi ahaan isla qaateen in cid kasta oo ka dhega-adaygta ay ciidamada ammaanku tallaabo ka qaadi doonaan.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad lagu daah-furay adeeg casri ah oo ay daah-furtay wasaaradda Caafimaadka Somaliland, kaas oo sahlaya inay qaabka Online ah isku diiwaangeliyaan mihnadleyaasha Caafimaadka ee dalka si loo xoojiyo dedaallada lagaga hortagayo caabuqa Coronavirus.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Madaxweyne ku-xigeenka.