Imaaraadka Carabta oo Xukuumadda Somaliland ku wareejiyay Mashruuca Tamarta Qoraxda Berbera oo $8 Milyan ku baxday

 

Berbera (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, ayaa maanta xadhigga ka jaray Mashruuca Tamarta laga dhaliyo Qorraxda ee magaalada Berbera, taas oo suurto-galinaysa inay magaaladaasi hesho koronto Jaban oo tayo leh.

Mashruucan oo ay ku baxday lacag dhan 29.3 Milyan oo Dirham una dhiganta $8 Milyan waxa maalgeliyey Sanduuqa Horumarinta ee Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, waxaana loogu talo-galay inay daboosho baahida Korontada ee magaalo-xeebeedka Berbera oo ay ku nool yihiin dad ka badan 50kun oo Qof.

Xarunta Tamarta Qorraxda ee Berbera oo la qorsheeyey in laga dhaliyo Tamar Koronto oo xaddigeedu dhan yahay 7MW, ayaa lagu xidhiidhiyey shabakadda shirkadaha bixiya Adeegga Korontada ee magaaladaas oo lagu wargeliyey inay jabiyaan qiimaha Korontada.

Munaasibad ballaadhan oo maanta xadhigga lagaga jaray mashruucan, waxa ka qayb-galay Madaxwayne ku Xigeenk JSL Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil oo uu wehelinayo Wasiirrada Wasaaradaha Tamarta, Horumarinta Maaliyadda, Horumarinta Caafimaadka, Maalgashiga iyo masuuliyiin kale. Waxa kale oo goob-joog ka ahaa wefti ka socday dowladda Imaaraadka Carabta oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi Maxamed Sayf Al Suwaydi.

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi Maxamed Sayf Al Suwaydi oo faahfaahin ka bixiyey wejiyadii uu soo maray Mashruucan oo dhismihiisu socday muddo 7 bilood ah.

“Mashruucan tamarta cusboonaata ee Berbera wuxuu door muhiim ah ka ciyaari doonaa dadaalka ballaadhan ee aannu wadno, si loo kobciyo  dhaqaalaha waddanka  iyo kor u qaadista heerka nololeed ee dadka degaankan deggan,” sidaas ayuu yidhi Agaasimuhu, isagoo intaa ku daray, “Baahida loo qabo tamarta ayaa si isdaba joog ah ugu soo kordhaysa magaalada Berbera iyada oo dadku aad u bateen. Mashruucani wuxuu korontada ku siinayaa dadka qiimo la awoodi karo, maadaama uu adeegsiga shidaalka qaaliga ah ku beddeli doono tamarta qorraxda. Taasi waxay horseedi doontaa dhaqdhaqaaqa dhaqaale oo sarreeya, helitaanka kayd dhaqaale, yareynta qiiqa kaarboonku  ee hawada galaya si loo helo hawo nadiif ah oo tayo leh. Tani waxay magaalada ku keeni doontaa isbaddal laxaad leh oo la taaban karo.”

Wasiirka Tamarta iyo Macdanta ee JSL Jaamac X. Maxamuud Cigaal oo munaasibadda ka hadlay, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimada mashruucan tamarta qorraxdu ku yeelanayo dadaallada horumarka ee dalka. “Xaruntu waxay door laxaad leh ka ciyaari doontaa dadaalka aan ugu jirno in aannu hoos ugu dhigno qiimaha koronto dhalinta iyo tacriifta korantada, iyo dadaallada aan ugu jirno in la dhimo ku tiirsanaanta shidaalka ee dhinaca koronto dhalinta. Tani waxay u horseedi doontaa in la helo kayd dhaqaale oo saamaynaya qof kasta. Mashruucani wuxuu saamayn degdeg ah ku yeelan doonaa dad lagu qiyaaso 50 kun oo qof oo deggan degmada Berbera, oo ay dheertahay  saamaynta togan ee muddada dheer ee  ku yeelanayo dhammaan qaranka oo dhan, ” sidaas ayuu yidhi Wasiirku waxaanu intaas kudaray oo yidhi, “Muhiimad ahaan, mashruucu wuxuu gacan ka gaysan doonaa daboolidda baahida sii kordhaysa ee koboca dhaqdhaqaaqa ganacsi ee degmada iyo sidoo kale ballaadhinta dekedda Berbera.”

Ugu dambayntii madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa si rasmi ah xadhigga u jaray xarunta Tamarta Qorraxda ee Berbera oo si rasmi ah loogu wareejiyey Xukuumadda Somaliland oo masuul ka noqon doonto lahaanshiyaheeda.

Madaxwayne ku xigeenka JSL ayaa si wayn uga mahadnaqay Dawladda Imaaradka Carabta maalgelinta mashruucan, wuxuuna bulshada reer Berbera ugu bushaareeyey in ay heli doonaan laydh jaban.

Heshiiska Isfahan oo lagu saxeexay munaasabadda oo u dhexeeyey Sandquuq Horumarinta Abu Dabay iyo Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo uga wakiil ah Jamhuuriyadda Somaliland oo lahaanshiyaha shirkadda lagu wareejiyey, waxaana halkaas lagu magacaabay shirkadda Coretec oo Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ka taageeraysa talo-bixinta lagama maarmaanka ah ee ay uga baahato dejinta qaab dhismeedka guud ee hawlgalinta xarunta.

Sida xusan heshiiska laba geesoodka ah, xarunta Tamarta Qorraxda ee Berbera ayaa noqonysa Shirkad Dawlad iyo Ganacsato Wadaagaan,  si loo hawlgaliyo loona dayactiro xarunta tamarta qorraxda, oo ah tii ugu horreysay nooceeda ee dalka ka hirgasha ee noocan loo maamulo.

Somaliland ayaa ka mid tahay dalal badan oo ka tirsan qaaradda Afrika oo Sanduuqa Horumarnta Abu Dabay ka taageero si ay u gaadhaan himilooyinkooda horumarineed.

Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi ayaa sannadkii 2017-dii Somaliland u qoondeeyay 330 milyan oo Dirhamka ($ 89.8 milyan oo Doolar) inuu kaga taageero horumarinta kaabayaasha muhiimka ah oo mashruuca Tamarta Berbera u horreeyo. Waxaana Qayb  ka mid ah lacagtan lagu maalgeliyey mashruuca dhismaha waddada isku xidha Berbera iyo Hargeysa oo la dhagax dhigay 2019kii, taas oo ilaa xilligan dhismaheedu socdo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net