ILMADII HOOYADA: Buug laga Qoray Dhibaatooyinka ku Gedaaman Tahriibka oo Hargeysa Lagu Soo Bandhiggay

Hargaysa(SLpost) -Munaasibad lagu soo bandhigayey buug ka hadlaya aafada tariibka ayaa habeenkii xalay waxa lagu soo bandhigay hoolka Jaamacadda Edna ee Magaalada Hargaysa.

Buugan oo loogu magac daray Ilmadii Hooyada waxa qoray Xaamud Khayre Yuusuf oo ah qoraa da’yar oo reer Somaliland ah, waxaana soo bandhigistiisii ka soo qayb-galay Marwo Edna Aadan Ismaaciil, La Taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Doorashooyinka, Guddoomiyaha Ku Xiggeenka Jaamacada Edna, Madaxa Arimaha Ardayda ee Jaamacadaasi Iyo Marti Sharaf Kale.

Cismaan Maxamed Cismaan oo ah wiil dhalinyaro ah oo tahriibay oo qoraaga buuga ka hor halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay caqabadihii uu kala kulmay tahriibka iyo nolosha dhabta ah ee taala dalalka qaarada yurub isagoo dhalinyarada reer Somaliland uga digay in ay tahriib beegsadaan.

Xaamud Khayre Yuusuf oo ah qoraaga buuga Ilmadii Hooyada oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay waxyaabihii ku kalifay qoraalka buugan iyo sababta uu u xushay in uu wax ka qoro aafada tahriibka waxaana uu yidhi:-“Sida runta ah waa mid aynu wada ognahay dhamaanteen in uu yahay tahriibku shay saameeyey dadka geeska afrika oo dhan degan haddii ay soomaalida yihiin iyo haddii dad kaleba ay yihiin, dadka ugu badan ee haatan tahriibaa waa soomaalida, itoobiyaanka iyo eriteriyaanka”.

Qoraaga buuga oo ka hadlaya waxyaabaha u sababta ah tahriibka ka dhaca dalkeenan Somaliland iyo waxyaabaha sababta u ah waxa uu yidhi:-“Haddaba haddii aan dib ugu noqdo kaas ayeynu macluumaad badan ka haynaaye oo mid aad iyo aad inoogu soo noq noqday haddii aad raac-raacdo ama aad baadh-baadho ama dadka tahriiba aad weydiiso sababaha ay u tahriibayaan waxa uu yeelanayaa oo kalifaya sababo badan , waxa ka mid ah xaga waxbarashada ama dawlada iyo dalka aynu joogno siyaasada dhalinyarada uga dagsan , waalidka oo kale ayaa iyaguna saamayn ku leh arintan waxaana ay noqon kartaa halkan uu waalidku saamaynta kaga yeelan karo, waalidku waxa uu boqolkiiba boqol isku hawlaa mar walba in uu ka shaqeeyo ilmahaas sidii uu u siin lahaa wax uu cuno sida uu ilmahaasi quutal-daruuriga uga baahan yahay in garaad ahaan loo kobciyo iyo waayo aragnimo iyo aqoon la siiyo ,haddii taas la waayana waxa ay keenaysaa in ilmihii jidhkiisii iyo maskaxdiisii kala korto , waxa kale oo arintan sabab u noqon kara dhaqaale darida dalkeena ka jirta taasina waxa ay sababaysaa sidii uu waalidku xooga u saari lahaa sidii uu u heli lahaa wixii uu siin lahaa ubadkiisa waayo waalidku labadii jaanis iskuma helayo in uu ilmihii raashin iyo quutal-daruuri u raadiyo iyo in uu ilmihii wakhti la qaato”.

Xaamud Khayre Yuusuf Qoraaga Buuga Ilmadii hooyada oo hadalkiisa sii wata waxa uu ka waramay cida uu ka helay qisadan buugan waxaana uu yidhi mar kale:-“Qisada buugan waxa aan ka helay laba wiil oo iiga kala sheekeeyey midba qayb , buugani qiso ahaan waxa uu ka sheekaynayaa inan ka tahriibaya halkan waxa uu ka sheekaynayaa qisadiisa bilowgeedii, maalintii uu halkan doonayey in uu ka tago sidii uu u qorsheeyey , waddada uu maray , halka uu sii maray , waxa dhib dhexda kala kulmay iyo ilaa markii uu yurub tagay , waxa kale oo uu mar labaad ka sheekaynayaa inankaasi tahriibay markii uu yurub tagay sida uu isu badelay iyo sida uu noqday”.

Guddoomiye Ku Xiggeenka Jaamacada Edna Ee Magaalada Hargaysa Xasan Caare oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in cida ugu badan ee uu tahriibku saameeyaa in ay tahay hooyada, waxaana uu yidhi:-“Tahriibintu cida ay boqolkiiba sagaashan saamaysaa waa hooyada , waayo waxyaabaha aan inta badan maqlo marka ay dhalinyaradu tahriibayso waxa jira dad tahriibiya dadka , dhalinyartaa tahriibaysa dadka wax tahriibiyaa su’aasha ugu horaysa ee ay weydiiyaan waxa ay yidhaahdaan hooyadaa ma nooshahay , marka la leeyahay hooyadaa ma nooshahay waxa weeyaan hooyadaa ayaa kaa naxaysa haddii meel lagugu qabsado ama lacag laguu qabsado , hooyadaa ayaa kuu iibinaysa dahabkeeda , hooyadaaba uu iibinaysa jagadeeda, hooyadaabaa kuu iibinaysa gurigeeda ,markaa cid ka naxaysa oo wax u iibisa oo ku furfurata ayey weydiinayaa, haddii ilmahaasi tahriibayaa aanu hooyo lahayn badanka ma kaxeeyaan , markaa waxa aan leeyahay xaamud aad buu u asiibay ciwaanka buuga”.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo munaasibadaasi ka hadashay ayaa sheegtay in qof kastaaba uu magac iyo qadarinba ku leeyahay dhulkiisa hooyo ee laga garanayo , waxaana ay dhalinyarada reer Somaliland ugu baaqday in ay aqoonta ogaadaan ,iyadoo hoosta ka xariiqday in ay dalkan ka jiraan laba wax oo dhalinyradiisii aafeeyey waxaana ay tidhi:-“Anigu Waxa aan qabaa laba tahriibaa inagu dhacay , midi waa kaas tahriibka ah ee qofkaasi badaa ,buurahaa, doonyahaa iyo dhulkaa cidlada ah uu jibaaxayo , marna waa mid ka sokeeya oo isaga oo aan dalkaba ka bixin , oon duleedkoodaba dhaafin maskaxda laga tahriibiyo , maxaana tahriibiya hilbihiisii iyo haragiisii wuu inala joogaa laakiinse maskaxdiisiibaa inaga maqan , mustaqbalkiisiibaa lumay , waxbarashadiibuu ka habsaamay ,qoyskan uu ka dhashay waalidkan soo koriyey waxba kuma soo biiriyo , waxa aan anigu qabaa tahriibta qalbiga iyo maskaxda ee ugu weyn ee dhanliyaradeena soo gaadhaa in uu yahay ta uu soo gaadhsiiyo aafada uu keeno geedkaa caleenta ah ee cagaaran ee jaadka loo yaqaan, waxa aan doonayaa in waxan layskula wareegayo aad iska dhaaftaan waxa aan doonayaa in aad wax barataan ,sameeya tartano, sameeya gabayo ,wixii wanaagsan ee aad soo bandhigtaan gacanbaan idinku siinayaa”.
Marwo Edna Aadan Ismaaciil waxay si weyn u bogaadisay qoraaga buuga Ilmadii hooyada iyadoo balan-qaaday laba ka mid ah buugan ay gayn doonto Jaamacada Pennsylvania ee Dalka Maraykanka“Waxa aan aad u hambalyeeynayaa Xaamud Khayre ilaahay khayr ha siiyo waxa aad runtii bilowday wax wanaagsan , waxaana aan kuu sheegayaa in aad aniga baro I dheeraysay sababtoo ah dhawr iyo toban sannadood ayaan bilaabay in aan qoro taariikh nololeedkaygii haddana wax uubaa iga soo hor-taagan, waxa aan hooyo xaamud kuugu balan-qaadayaa horta waxa aan kaa qaadanayaa shan xabadood mid aniga ayaa haysana laakiinse kolay laba waxa aan rabaa in aan u diro Jaamacada University of Pennsylvania qaybta daraasada ee taariikhda afrika , waxay ku ururiyaan wixii afrika ama qof afrikaani qoro ama afrika laga qoro , taariikhad afrika laga qoro ama caadooyinka iyo dhaqanka afrika laga qoro ayey ku ururiyaan ,haddii af kasta lagu qoro waxay u dhigaan taariikh ahaan”.
Waxa Kale Oo Madashii lagu soo bandhigayey buuga Ilmadii Hooyada ka hadlay Sheekh Maxamed oo ah madaxa arimaha ardayda ee Jaamacada Edna,Sidoo kalena waxa halkaasi tix gabay ah oo ka hadlaysa tahriibka ku soo bandhigay abwaan Ismaaciil.