Iiraan: Wasiir ku-xigeen laga helay Caabuqa Corona ee Covid-19

 

Tehran (SLpost)- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Iiraan, ayaa laga helay Caabuqa Corona, xilli dalkaasi si weyn ula tacaalayo cudurkaas oo saameyn weyn ku yeeshay oo ay ugu dhinteen 15 qof.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaas ayaa xaqiijiyay in Wasiirka oo magaciisa la yidhaahdo Iraj Harirchi uu ku dhacay Cudurkan oo dhawaan magaciisa loo bixiyay Covid-19, xilligana uu Karantiin ku jiro.

Dhanka kale, Madaxweynaha Iiraan Xasan Rouhani, ayaa ku boorriyay dadka reer Iiraan inay is-dejiyaan oo aanay argagixin, isla markaana laga gudbi doono dhibaatada caabuqani ku hayo dalkaas.

Saraakiisha Caafimaadka Iiraan ayaa todobaadkii hore in caabuqani haleelay 95 ruux, balse waxa la rumeysan yahay inay tiradu intaas ka badan tahay.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in korodhka lama filaanka ah ee kiisaska laga soo tabiyay Iiraan uu yahay mid walaac abuuraya

In ka badan 80,000 oo kiisaska Caabuqa Corona ah ayaa laga soo tabiyay guud ahaan caalamka, 2700 oo qof ayaa inta la ogyahay u geeriyooday. Waddanka Shiinaha oo caabuqani ka soo bilaabmay, ayaa laga helay kiisaska ugu badan ee cudurkan.

Somalilandpost.net