“Huwanta la sheegayaa waa qayb Al-Shabaab ah iyo Puntland” – Madaxweynaha Somaliland Oo Fasiray Wejiyada Dagaalka Laascaanood

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa mar kale ku celiyey inay gobolka Sool ka dagaalamayaan Kooxda Al-shabaab iyo maamul-goboleedka Puntland oo taagaeeraya maleeshiyo-beeleed u dhashay deegaanka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta hadalkan ka jeediyey kuliyadda tabobarka Ciidanka ee Cabdilaahi Askar ee Dararweyne oo tabobar loogu soo xidhay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka oo dhamaystay carbis ciidan oo muddo dhawr bilood ah uga socday Dugsiyada tabobarka Ciidammada Qaranka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay in ujeeddada ka dambaysay dagaalka Laascanood ahayd in dagaallada iyo nabad-gelyo-darrada ka jirta Soomaaliya loo soo waarido dhinaca Somaliland, taas oo ay qayb ka yihiin kooxaha argagixisada ah iyo khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliiya ka jira.

Madaxweynuhu waxa uu fasiray magaca Huwanta oo lagu suntay Kooxo kala ujeeddooyin ah oo Isku urursaday magaalada Laascaanood, kuwaas oo dagaal kula jira Ciidanka Qaranka Somaliland.

“Huwanta la sheegayaa waa qayb Al-Shabaab ah iyo Puntland oo doonaysa inay qaab qabiil ku sameeyaan maamul aan Somaliland ahayn, Soomaaliyana ahayn balse Hayb ku dhisan, taasi maaha mid suurto-galaysa,”sidaas ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.

Md Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in Somaliland dhexdeeda xal u raadinayso khilaafka siyaasadeed ee dhex-yaalla Xukuumaddiisa iyo Shacabka Gobolka Sool.

“Ciidanka Somaliland meel uu joogo waxyeelayn maayo qof Somaliland ah, waanu ka xun yahay khasaaraaha gudaheenna ah ee ay wadaan dad ku soo duulay Laascaanood oo aan u tudhayn oo ay ka mid yihiin maamulka Puntland iyo qaybo Al-Shabaab ah ee immika doonaya inay ku sii fidaan,” Sidaas ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland oo intaas ku daray inaanay marnaba oggolaanin doonin inay kooxaha xag-jirka ahi fadhiisimo ku yeeshaan Somaliland.

Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa dhowrkii bilood ee u dambeeyey magaalada Laascaanood kula dagaalamayey Malleeshiyo-beeleed u dhashay gobolka Sool oo taageero ka helaya Kooxo Argagixiso ah iyo Maamul-goboleedka Puntland oo udub-dhexaad u ah dagaalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net