Hungary: Lacag hala siiyo deriska Suuriya

Hungary(SLpost)-Ra’iisul wasaaraha Hungary, Victor Orban, ayaa sheegay inuu ka doonayo dalalka kale ee xubnaha ka ah Midowga Yurub in ay lacag dhan 3 bilyan oo euro siiyaan waddamada jaarka la ah Suuriya, si loogu caawiyo dadka ka barakacaya dagaalka Suuriya.

150222233556_sp_viktor_orban_640x360_reuters_nocredit

Mr Orban oo wareysi siiyay wargeyska Jarmalka kasoo baxa ee Bild, ayaa sheegay in taageerida dalalka Turkiga, Lubnaan iyo Urdun ay gacan ka geysan karto soo afjarida muhaajiriinta badan ee kusoo qulqulaya Yurub.

Jimcihii shalay ahaana, qaxootiga Suuriyiinta ah ayaa sheegay in ay ka baxayaan xeryaha gobolkaasi ku yaalla maadaama la yareeyay gargaarkii la siin jiray, gaar ahaan cunnada.

Dhanka kale hay’adda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa Hungary ku dhaliishay sida ay ula dhaqanto qaxootiga xuduudaheeda soo gaara.