Howgalo lagu qabtay Nin ku Caan Baxay ka Ganacsiga Daroogada oo u Dhashay Wadanka Mexico

Mexico(SLPOST)Howl gal ay si wada jir ah isaga kaashadeen Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Mexico ayaa lagu soo qabtay mid ka mid ah ninka loogu raadiska badan yahay aduunka ee ka ganacsada daroogada, kaasoo lagu magacaabo Joaquin Guzman,

ninka_gaaban_2

Ninkan oo lagu naaneyso ninkii gaabnaa ayaa waxaa uu hogaaminayay koox si sharci daro daroogada uga ganacsatada oo lagu magacaabo Sinaloa

Guzman ayaa baqa carar ahaa tan iyo markii uu ka baxsaday xabsi aad ammaankiisa loo sugayay sanadkii 2001.

Waxaa lagu qabtay gobolka Sinaloa, kadib howl gal ay iska kaashadeen ciidamada Mareykanka ee ka dhanka ah la dagaalanka daroogada.

Madaxweynaha Mexico Enrique Pena Nieto ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray, kuna bogaadiyay howl galka lagu soo qabtay ninkan ee ka dhacay waqooyi galbeed ee dalka Mexico.

Mareykanka ayaa horay ninkan madaxiisa dul dhigay lacag dhan shan milyan doolar cidii soo qabata ama macluumaad ka keenta, isagoo lagu eedeynayay inuu mas’uul ka ahaa daroogada sida sharci darada lagu gelinayo dalka Mareykanka.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland