“Horumarka Somaliland Ka jira, waxa uu u muuqda inay ka faa’iidaysteen kor u kaca dareenka caalamiga ah”

London (SLpost)- Matthew Gordon oo ah diblomaasi Jaamacadda London ku diyaarinaya shahaadada PhD, isla markaana bartay siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, ayaa faallo dheer ka qoray sawirka laga qaadan maro dooddii uu Baarlamaanka UK ka yeeshay qaddiyadda ictiraaf-raadinta Somaliland.

Diblomaasigan shahaadada sare ee PhD ku diyaarinaya cilmiga siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, ayaa sheegay in doodda Baarlamaanka UK tilmaan ama tusaale u tahay isbeddelka ka soo foolka leh Badda Cas.

“Iyadoo Gobolka Geeska Afrika ay ka aloosan yihiin mawjado dagaal, ayaa Jamhuuriyadda yar ee madax-bannaanideeda ku dhawaaqday ee Somaliland, waxay muujinaysaa jiritaankeeda dhinaca dimoqraadiyadda iyo doodaha furan..” ayuu yidhi Matthew Gordon, waxaannu intaa ku daray, “18-kii January 2022, waxa xarunta Baarlamaanka isugu yimi ilaa labaatameeyo xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, si ay uga doodaan aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland. Sida la yaabka leh ee tirada badan ee dadka u soo baxay iyo soo bandhigidda is-afgaradka xisbiyada Somaliland, ayaa abuurtay rejo..”

Matthew Gordon waxa uu qoraalkiisa ku xusay in dooddii Baarlamaanka Ingiriisku ka dhalatay markii madaxda dawladda UK ku adkaysteen in aanay waxba ka beddelin mowqifkooda ku aaddan in Somaliland ictiraaf la siiyo, maaddaama guux isbeddel ka aloosan yahay badda cas ee Somaliland ku laalayso.

“Doodda Baarlamaanka Ingiriisku waxay ka dambeysay markii Mas’uuliyiin ka tirsan dawladda UK ay ku adkeysteen inay si madax-adayg ah u sii wadaan xaaladda hadda jirta (aqoonsi la’aanta Somaliland). Waxa kale oo dooddan abuuray in dawladaha reer galbeedku doorteen inay arrinta Somaliland u daayaan Soomaaliya iyo dalalka kale derska la ah Somaliland ee Afrika si ay u hoggaamiyaan isbeddelka” ayuu yidhi.

Khabiirkan siyaasadeed waxa kale oo uu qoraalkiisa ku yidhi, “Soddonkii sanno ee la soo dhaafay Somaliland waxay urursatay guulo ay ka gaadhay ilaalinta nabadda iyo qabashada doorashooyinka. Horumarradaas waxay ku muteysteen in si gaar ah isha loogu hayo, dawlado shisheeye iyo siyaasad dejiyeyaalna ku ammaanaan arrintaas, laakiin kuma ay guulaysan aqoonsi diblomaasiyadeed.”

Khabiirku waxa kale oo uu sheegay in reer Galbeedku lumiyeen xulafadoodii Geeska Afrika, xilli Somaliland isku taagayso xuddunta dhaqaalaha gobolka, waxaanu yidhi, “Arrintan ayaa qeyb ka ah in reer galbeedku lumiyeen xulafadooda gobolka Geeska Afrika, xilli Somaliland isu taagayso xuddunta ganacsiga gobolka, ka dib markii ay heshiis la gashay shirkadda DP World oo dibu-habayn ku samaysay dekedda Berbera.”

“Horumarka Somaliland Ka jira, waxa uu u muuqda inay ka faa’iidaysteen kor u kaca dareenka caalamiga ah. Taas waxa daliil u ah beryahan dambe waxa si cad u soo shaac baxayay hawl-wadeennada siyaasadda Maraykanka ee ku waajahan Somaliland, taana waxa ka mid ahaa booqashadii weftigii ugu horreysay abid ee shaqaalaha Koongareeska ah ay ku tageen Somaliland bishii hore,” ayuu yidhi Mathew.

Waxa kale oo uu ka hadlay doorka siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland ka ciyaartay xod-xodashada Maraykanka, waxaanu yidhi, “Hawlgalka xaqiiqo-raadinta ee Koongarayska Maraykanka laftiisa ayaa ahaa natiijadii tooska ahayd ee ka ololaynta xubnaha Koongarayska ee wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ee Washington tagay, sidoo kalena waxa lagu wadaa in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu dhawaan safar ugu baxo Washington. Marka la eego, isbeddelladan is daba-joogga ah ee beryahan dambe ku soo kordhay Somaliland, waa in dunidu la jaan-qaaddo xaqiiqda Somaliland”.