Hoggaanka Xisbiga Waddani oo Qaabilay Xubno sheegay inay ka baxeen Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa xarunta dhexe ee xisbigaas si diirran ugu qaabilay xubno isugu jira siyaasiyiin iyo Aqoonyahan sheegay inay ka baxeen xisbiga KULMIYE.

Waxa xubnahan qaabilay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay weheliyaan Hoggaamiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo xubno kale oo ka mid ah hoggaanka Xisbiga WADDANI.

Siyaasiyiinta ka diga-rogtay Kulmiye oo xarunta guud ee Xisbiga WADDANI war-baahinta kula hadlay, waxa ay sheegeen inay si rasmi ah ugu biireen Xisbiga WADDANI.

Waxa ay xubnahani sheegeen inay jiraan siyaasi yiin kale oo doonaya inay ku biiraan Xisbiga Waddani, kana soo diga-rogtaan Xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Siyaasiyiintan ayaa kala ah Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Mudane,Cabdilaahi Cali Ibraahin, Prof. Siciid Xasan Sheekeeye, Prof. Jamaal Jaamac Yare, Maxamed Xasan Faahiye, iyo Kayse Baashe Ducaale.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net