Hoggaanka xisbiga KULMIYE oo Kulan la Yeeshay Madaxda Hay’adda SAFERWORLD

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka xisbiga KULMIYE, ayaa kulan la yeeshay madaxda hay’adda caalamiga ah ee SAFERWORLD oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska, kana shaqaysa xoojinta nabadda, ka hortagista khilaafaadka iyo ka shaqaynta arrimaha dimuqraadiyadda.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad Md. Maxamed Kaahin Axmed, Afhayeenka xisbiga Md. Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaadhaafi) iyo masuuliyiin kale, ayaa maanta xarunta xisbiga ku qaabilay wefti ka socda hay’adda SAFERWORLD oo ka koobnaa afar xubnood oo uu hoggaaminayey madaxa xafiiska hay’adda ee Somaliland Mr. Cabdijaliil Daahir, waxaanay ka wadahadleen wadashaqayn cusub oo dhexmari doonta xisbiga iyo ururkan caalamiga ah.

Kulanka ayaa ka sakow isbarasho dhexmartay hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo masuuliyiinta hay’adda, waxa lagu falanqeeyey horumarinta dimuqraadiyadda Somaliland iyo arrimaha labada dhinac ka wada shaqayn karaan, waxaanna saraakiisha SAFERWORLD xuseen inay danaynayaan in xisbiga ay kala shaqeeyaan tababarro la siiyo muraaqibiinta ka hawlgali doona doorashooyinka kala duwan ee qorshaysan inay dalka ka qabsoomaan horraanta sannadka 2017. Waxa kaloo ay sheegeen inay kala shaqaynayaan KULMIYE awoodaynta hay’adaha xisbiga.

Dhankooda, madaxda xisbiga KULMIYE waxay soo dhaweeyeen qorshaha hay’adda SAFERWORLD, waxaanay ku wargaliyeen inay diyaar u yihiin la shaqaynta cid kastoo danaynaysa horumarinta nidaamka dimuqradiyadaynta Somaliland.

Weftiga hay’adda SAFERWORLD waxa kaloo xubno ka ahaa; Oliver Chevraen oo ah maamulaha mashaariicda, Marjorie Walla oo ah khabiir sare oo la-taliye mashaariicda ah iyo Cabdi Cali oo isna ah la-taliyaha mashruuca.

© 2016 Microsoft Terms Privacy & cookies Developers English (United States)