Hoggaanka Xisbiga Kulmiye oo Ganafka ku dhuftay Badheedhaha Hanka Murashaxnimo ee Siyaasi Maxamuud Xaashi

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeeenka 1aad ee Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, Axmed Cabdi Dheere, ayaa ka hadlay hanka murashaxnimo ee Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ku damacsan yahay hoggaaminta Xisbigaas oo uu dhawaan shaaciyey.

Siyaasi Maxamuud Xaashi oo xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, ayaa waraysi uu dhowaan bixiyey ku sheegay inuu u taagan yahay murashaxnimada guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Haseyeeshee, Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere oo daba-socda hadalkiisa, ayaa ganafka ku dhuftay damaca siyaasadeed ee Maxamuud Xaashi oo uu ku tilmaamay inaanu xaq u lahayn  hoggaaminta Xisbiga maadaama oo sida uu sheegay aanu ka mid ahayn Golaha Fulinta ee Xisbiga.

Muuqaalka Hoose ka daawo hadallada Axmed Cabdi Dheere oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa