Hoggaanka Kulmiye oo Ka Hadlay Xubno Xisbigooda ka tirsan oo ka Qayb-galay Caleemo-saarkii Madaxweynaha Jubaland

 

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga talada dalka hoggaamiya ee Kulmiye, ayaa sheegay inay tallaabo ka qaadayaan xubno ka tirsan xisbigooda oo ka Qayb-galay xafladdii Caleemo-saarka ee Madaxweynaha Maamul-goboleed Soomaaliya ee Jubaland Axmed Madoobe oo shalay ku qabsoontay magaalada Kismaayo ee Koonfurta dalkaas.

Maxamed Ilkacase oo xilal ka soo qabtay xukuumadihii kala duwan ee Kulmiye iyo Yusuf Garas oo isagu xilal ka soo qabtay xukuumaddii hore labadoodubana ka tirsan Xisbiga Kulmiiye, ayaa ka qayb-galay xafladda Caleemo-saarka ee madaxweynaha Jubaland iyagoo aan oggolaanshiyo ka haysan xisbigooda, waxaanu xisbigu sheegay inay ku gafeen sharciga Dalka iyo ka xisbigaba, sidaas awgeedna xisbigu ka jawaabi doono tallaabada ay ku kaceen.

Agaasimihii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Ilka-case oo saxaafadda kula hadlay goobta xafladda caleemo-saarku ku qabsoontay, ayaa sheegay in lagu soo marti-qaaday munaasibadda, go’aanka uu ku aqbalay ka-qayb-galka xafladduna yahay mid isaga u gaar ah oo aanu cidna ku metelin. Waxa kale oo uu sheegay inay halkaas u tagay hawl-shaqo oo u gaar ah. Haseyeeshee, Yuruf Garas oo xilligan fadhigiisu yahay dalka Itoobiya, ayaanan isagu ka soo dhex-muuqaan shirka iyo saxaafadda, balse la sheegay inuu ka qayb-galay.

Haddaba, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo u warramay telefishanka SAAB oo wax ka weydiiyey go’aanka xisbigoodu ka qaadanayo xubnaha ka tirsan ee shirka ka qayb-galay, ayaa sheegay inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadayaan xubnahaas.

Muuqaalka Hoose kaga bogo Hadalka Guddoomiyaha Golaha Dhexe iyo Mowqifka xisbigooda Kulmiye ee ku aaddan labada Xubnood.

 

Somalilandpost.net
somalilandpost.net
Hargeysa, Somaliland